Kulan Suugaanneed ku wajahan qiimaha Waddaniyadda oo lagu qabtay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Orgl)-Abwaanada ayaa soo qaban qaabiyey kulan Suugaaneed lagaga hadlaayo qiimaha ay leedahay Waddaaniyadu iyo siday Bulshada Somaliland u fahansanayn.

Munaasibadan oo ka dhacday Xarunta Ha’yadda shaqaalaha Dawlada oo uu soo qaban qaabiyey Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud(Abwaan Axda), ayaa lagu soo bandhigay maanta Magaalada Hargeysa.
Kulan suugaaneedkan waxa ka soo qayb-galay Abwaano tiro badan, Madax-dhaqameed, dhalinyarada Jamacadaha kala duwan iyo bulshada ka kala yimi Gobalada kala duwan ee Somaliland.

Waxa kulankan ugu horayn furay Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Abwaan Axda), waxaanu ka warbixiyey sababaha ku dhaliyey inuu Barnaamijkan lagaga hadlayo Waddaniyadu waxay tahay sidii loo fahansiin lahaa bulshadeena, isaga oo xusay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland ay aad u fahmaan qiimaha ay leedahay wadaniyadu, isla markaana waxa uu tilmaamay in qofkasta oo ka mid ah shacabka Somaliland sidii loo dareensiin lahaa qiimaha waddaniyadu leedahay ay kulankan u qabteen, waxa kale oo uu sheegay in qofku garanaayo Waddaniyada marka uu dalalka shisheeyo tago oo uu dareemaayo qiimaha dalkiisa Hooyo leeyahay, waxaanu yidhi. “Waxa maanta (shalay), kulankan u samaynay sidii bulshadeena u fahansiin lahayn waxay tahay Waddaniyadu iyo qiimaha ay inoo leedahay, markaa haddaanu nahay Abwaanada waxay tahay inaynu Bulshadeena Gobalada kala duwan ku baraarujino faa’iidada ay bulshadeena u leedahay.

Waxaana maanta garan lahaa qofka tagay dalalka shisheeye ayaa dareemaaya waxay tahay Waddaaniyadu oo waxaan jeclaystay inaan bulshadayda uga faa,iideeyo aqoonta aan u leeyahay Waddaniyada oo kulamo noocan oo kale ahna waan siiwadayaa,”Ayuu yidhi Abwaan Axmed Cabdillaahi Maxamuud (Abwaan Axda).

Eng Ismaaciil Odowaa oo isaguna ka hadlay kulankan waxa uu sheegay inay Wadaniyadu leedahay qiimo badan oo u baahan tahay sidii shacabkeena loo dareensiin lahaa, balse Dad badan oo ka mid ah Bulshada Somaliland ayna garaneen qiimaha ay leedahay Waddanimadu, waxaanu Shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaa shadaan dalkooda oo qofkasta ay ka saran tahay Masuuliyad. Abwaan Axmed Aw Geedi oo ka hadlay kulankan Suugaaneedka ah waxa uu halkaas ka soo jeediyey Maanso ka hadlaysa Waddaniyada iyo sida loogu baahan yahay in muwaadiniinta Somaliland ay fahmaan qiimaha ay waddaniyadu leedahay.

Boqor Saleebaan Gaacir oo soo xidhay munaasibadan shalay lagaga hadlaayey sidii bulshada Somaliland u fahmilahayd waxay tahay Waddaaniyadu waxa uu sheegay inay tahay mid qiimo wayn leh oo waxa garanaaya qofka tagay Dalalka shisheeye, isaga oo u mahad-celiyeyDadka soo qaban qaabiyey munaasibadan, waxaanu xukuumada ugu baaqay iyo Warbaahinta inay abuuraan dedaalo iyo wacyigalin bulshada lagu baraayo waxay tahay Waddanimada ayna gacan ka siiyaan Abwaanadan gartay sidii bulshadooda u baraan waxay tahay Waddaanimada, waxaanu yidhi. “Waddaniyadu waa shay aad u qiimo badan oo haddii dadku fahmaan qiimaha ay leedahay ayey faran lahayeen.

Waxaana xukuumada iyo Warbaahinta waxaan ugu baaqayaa inay abuuraan dedaalo Bulshada kala duwan ee Somaliland sidii loo fahansiin lahaa waxay tahay Waddaanimada waa inay Abwaanada is xilqaamay gacan wayn ka siiyaan sidii ay u wacyigalin lahaayeen Ummadda.”

Dhinaca kale waxa iyaguna Munaasibadan ka hadlay Suldaan Nuur Caydiid Maxamuud Diiriye, Cabdirashiid Baajiya iyo dhalinyarada Jaamacadaha dalka, isla markaana Abwaanadu waxay soo bandhigeen Riwaayad ka hadlaysa Waddaniyadu waxay tahay iyo qiimaha ay inoo leedahay, waxayna shegeen in dalka dad badan oo ajnabiya ka buuxaan ayna ku joogaan bilaa sharci, kuwaas oo keena xannuuno badan oo dilaa ah.

Somaliland.Org/Hargeysa