Gudida Wanaag Farista Baaq u diray Axsaabta iyo Shacbiga Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudida Wanaag farista iyo Xumaan ka reebista ayaa maanta baaq nabadgalyo u diray Guud ahaan Shacabka Somaliland isla markaana u soo jeediyay inay ilaashadaan amnigooda.

Gudoomiyaha Gudida Wanaag farista iyo Xumaan ka reebista Maxamed Xaaji Maxamud Xiiray ayaa u soo jeediyay dhamaan Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada ee ka qayb galay doorashadii golayaasha deegaanku sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadgalyada wadanka isla markaana uga feejignaan lahaayeen talaabo kasta oo waxyeelo ku ah xasiloonida guud ee dalka.

Waxaa kale oo Gudoomiyaha Gudida Wanaag faristu ugu baaqay in shacabku dhankooda ka ilaashadaan nabadgalyada dalka,waxaanu intaas ku daray in wixii tabasho ah ee yimaada lagu dhameeyo dariiqa wada hadalka iyo isu tanaasulka aynu ku soo caano maalnay.

Somaliland.Org/Hargeysa