Cuqaal ugu Baaqday in wax Laga qabto Maxbuus Maydkiisa Laga helay Saldhiga Burco

Burco (Somaliland.Org)- Cuqaal iyo waxgarad kale ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaaladda Burco, waxay wasaaradda daakhiliga ugu baaqeen inay wax ka qabato maxbuus dil geystay oo ku xidhna saldhiga dhexe ee Booliska oo maydkiisii laga dhex helay saldhigii uu ku xidhnaa.

Caaqil Maxamed Axmed oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa Booliska ku eedeeyay inay leeyihiin masuuliyadda dilka ninkaasi, waxaanu yidhi “Waxaan Shirkan jaraa’id u qabanay inaan ku iftiimino arrin Fool xun oo ka dhacday saldhiga dhexe ee magalaadda Burco taasi oo ahayd dil loogu gaystay saldhiga dhexdiisa 26-kii Bishii 11-aad Maxbuus gacan ku dhiigle hore u ahaa ku xidhnaa saldhiga dhexe taasi oo ciidmaada Boolisku ay masuul ka ahaayeen dilkiisa maadama oo ay iyagu gacanta ku hayeen Furayaasha qolka uu maxbuuskaasi ku xidhnaa oo markii aan baadhnay maydkiisa laga helay nabaro badan oo ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee magaalada Burco in marxuunkaasi loo gaystay nabaro badan.”

Dhinaca Kale waxa uu caaqil kani ka dhaawajiyay in mudo haatan laga joogo 6 malmood uu maydka marxuunkaasi ku jiro talaagada maydka ee cisbitaalka Burco isla markaan ay sugayaan sidii garawshiiyo ay uga heli lahayeen ciidamada Booliska oo iyagu hore u shaaciyay inaanay wax dil ah mar xunkaasi u gaysan danbi baadhis badana ay ka sameeyeen arinkaasi.

Muuse Cabdi Maxamuud oo isna ka mid ahaa Waxgaradka Shirkani Jaraa’id ka Hadlay ayaa Ugu Baaqay Madaxweynha Somaliland iyo Wasiirka arimaha Guduhuba inay soo faragaliyaan sidii arrinkan oo ah mid ku cusub xabsiyada Somaliland ay wax ka qabtaan.

Geesta kalena Ciidanka Booliska Burco oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa sheegay inay wadaan baadhis qoto dheer oo arrintan ku saabsan isla markaana aanay wax jawaab ah ka bixinayn.

Maxamed Cawad Maxamed
Somaliland.Org/Burco