Tartankii Doorashaddu dhammaaye’e aan u midowno Horumarkeena

Waxa dalkeena ka dhacay doorashooyin xarago leh oo adduunka ku abuuray qiiro iyo u qaadan waa, madaama aynu nahay dal aan la ictiiraafsnayn oo aan lahayn dhaqaale uu ugu babac dhigo doorashooyin.

ka bilaw doorashii golaha deeganka ee dhacaday 2002 waxa ku hadhay ururo dhawra oo si fiican ugu qancay natiijadii komishanka qaranka Somaliland ku dhawaaqay , dorashada oo ay soo baxeen saddex xisbi qaran UDUDB,KULMIYE,UCID, oo ku loolamay.

doorshadii madaxtooyada ee dhacaday sandii 2003 doorashadaasi oo ay ahayd dorasho xaasaasiya oo caalmkuna isha ku hayay sida logu qanci doono.

natiijadii doorshada kasoo baxady waxa dhaman ku qancay saddexdi XISBI QARAN ee ku loolamayay doorashadaas, natiijadi doorashadas waxa lagu kala guulaystay codad aan gaadhayn boqol oo aha sideedtan ku dhawaada ayaa lagag guulaysaty xisbiga talada haya ee kulmiye ,natiijadaas lagu kala qancay maaha mid ka dhacada inta badan qaarada afrika iyo wadamada ina aduunka qaara ka mida , waxayse noqotay halku dhig iyo taariikh aaan la hilaami karin oo somaliland caalamka bartay, doorashadaasi wxay somaliland u horseeday in caalamku ku dhiirado oo uu daneeyo qadiyadeeda maadama aynu nahay dal curdina oo ku taalabsaday guul waawayn,Doorashaddii golaha wakiilada ee dhacaday 2005 ayaa iyana ku dhamaatay si qurux badan oo lagu qanacsan yahay ,waxaynu ku caanamalay is qadarin is ixtiraama kala danbayn , iyo kalsooni aynu u hayno hadba komishanka majaraha inoo hayaa, Doorshadii madaxtooyada ee dhacaday sandki 2010 ayaa ahayd mid xasaasu mudan waxa guulaystay xisbiga KULMIYE oo ka guulaysaty xisgigii UDUDB oo in badan talada dalka hayay ,waa dhacdo naadira marka laga eego wadamada aynu jaarka nahay iyo afrikada kale in laba madaxwaynu si dumqraadiya isagu haneeyan talada dalka, waa taariikh baal dahaba kaga qoran Somaliland.

xasuustiI xilka ay kula kala wareegayeen madaxawyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore eee Daahir Rayaale ayaan xiska muwaadin kasta oo dalka jecel ka sal guurayn. waxa ku dayasho mudan doorasha kasta oo dalkeena ka dhacda waxa lagu kala baxaa turxaan la’aan.

Arbacadii 28 november 2012 waxaynu mar labaad hoosta ka xariiqnay taariikha dahabiya , waxan loo dareeray doorasho xora oo xalala ah taas oo ka qabsoontay guud ahaan deeganada somaliland, waa maalin xasuus iyo xadanto badaan, waa maalin caalamka indhahiisu ay Somaliland aad u eegayeen sida ay u maamuli doonto doorashada labaad ee golaha deegaanka, EEBE ayaa mahad lehe’ waxay doorashdii ku gabagbowaday jawi nabadeed iyo xasilooni, dhamaan muwaadininti xaq ulahayd codkuna waay kala cugteen cidii ay rabeen, waxaanay mudan yihiin boogaadin iyo amaan dheerada sida isu ixtiraameen ee ay isu tixgaliyeen .

doorashada golaha deegaanka waxa ku tartamayay shan rur iyo laba xisbi qaran, dhamaan waxa uga shareexeen degmooyinka Somaliland urur kasta murshixiinti ma talil hayd bulshada deegaankaas, waxaynu soo maray bil aad u dhib badnayd maraka laga eego xaga dhaqaalaha ka baxaaya murashixinta iyo hawlaha ololaha, bulshadu waxay si siman ugu kala fayshay qof waliba qofkii uu arkaayay inuu ka jawabi doono baahida u tabaayo, iyo adeegyada asaasiga ah ee bulshadu u bahantahay, murashax kasta wuxuu soo bandhigayay barnaamijkiisa waxqabad isagookaso tabina soona marinaaya fariintiisa warbaahinta iyo fagaarayasha laysagusoo baxo, bishii ololaha waxa si qurux badan urur kastaa usoo bandhigay cududiisa taageero iyo codka shacabka uu kasbaday .

dhamaan hawlaha iyo malamahasi waxaynu kaga soo gudubnay nabad iyo is ixtiraam. sida uu dhigaayo xeer lamabar 20 waxa majaraha siyaasada dalka gadhawadeen ka noqnoya saddexda urur ee ugu codka iyo xildhibaanadda bata waxaana hadhi doona afar urur.tobanka sano ee soo socda waxay bulshadu ku kala fayli doonta saddexda urur ee ugu codka badan natiijadoodina komishanku daboolka uga qaaday si hordhaca kawaasi oo kala ah . KULMIE, WADDANI iyo UCID .waxa looga baahan yahay dhaamaan ururada ku hadha tartanka inay ixtiraamaan qaranimada iyo jiritaanka dalkeena Somaliland, oo ay ixtiraaman shacabkii sida qiimaha leh ugu soo baxay doorashada iyo taageradii waqtigii ololuhu socday. saddexda XISBI qaran ee soo baxayna waxay matali doonaan shacabka qimaha badan ee reer Somaliland waxaanay gadh wadeen ka noqon doonan horumarka dalkeena iyo himilada aynu higsanayno. ujeedad doorashada aya ah in la guulaysto lana guul daraysto, maaha hadii aad soo bixi waydo inaad ilawdo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

indhaha caalamku waxa ay eegayaan sida aynu isu xilqaano ee aynu ugu qanacno natiijada doorashada dalkeenka, waxaana loo baahan yahay isu tanaasul iyo midnimo. Somaliland waa shamac ka ifaaya Geeska Afrika waa aabaha dimuraadiyada iyo kala danbaynta waa dalka ugu nabadgelayada badan gobolka, waa qaran ku dayasho mudan . Waxaan ku soo khatimayaa tartankii doorashada iyo xulista axsaabtu wuu dhammaaday intii ALLE U Qorayna way heleen ee aynu wadankeena horumarkiisa u midowno.

Maxamed sadiiq cabdilaahi(dhamme)
Cadaalada@hotmail.com
hargeisa somaliland