Baaqa Nabadeed ee Xildhibaan Dogox u Jeediyay Taageereyaashiisa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox) oo ka mid ahaa musharixiintii ku guulaystay Xubinimadda Golaha Deegaanka Hargeysa, oo ka soo baxay urur siyaasadeed XAQSOOR ayaa ugu baaqay taageerayaashiisii inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta amniga Iyo Nabad-gelyadda wadanka.

Xildhibaan Saleebaan Daahir C/laahi Dogox oo maanta la hadlay qaar ka mida warbahinta aya waxa uu sheegay in loo baahan yahay cabashooyinka ay ururadu tirsanayaan in lagu xaliyo si sharciga waafaqsan. Waxaanu tilmaamay in aanay haboonan in dad ku dhintaan, waxaanu dadweynaha ku guubaabiyay inay dhawraan xasiloonida wadanka.

Saleebaan Dogox waxa uu tacsideeyay dadkii ku dhintay rabshadihii dhexmaray tageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor iyo ciidanka booliska, waxaanu EEBE uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan tacsidaynayaa dadkii ku dhintay rabashadihii oo ahaa arrin aan wanaagsanayn,manay haboobanayn inay dad inagaga dhintaan. waxaan u dirayaa dhammaan taageerayaashaydii in nabadgalyada aynu ilaashano sida aynu ku ilaashanaynaana waa in wixii inaga khaldamay lagu xaliyo si sahrciga waafaqsan. wixii inaga maqana inagoo isku duuban oo gacmaha is haysana raadino,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox).

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com