Guddoomiye Ku Xigeenka Wakiiladda oo ka hadlay Doorashadii Sool ka dhacday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanu ka dagayn Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) mansabkiisa haddii uu ururkiisa WADDANI ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee ku soo baxa doorashada deegaanka.

Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sidan ka sheegay mar uu xalay u waramayay Talafiishanka madaxbanaan Horn Cable TV, ayaa waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isku hayn doono labada xil haddii uu ururkiisu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran.

Guddoomiye Ku xigeenka oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan labada mansab ee Guddoomiye Cirro waxa uu ku jawaabay “Guddoomiyuhu labada xilba wuu isku hayn karaa, isaga oo guddoomiye ah ayuu labada hayn karaa.”

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad waxa kale oo uu sheegay in doorashada Golaha deegaanka si nabadgalyo ah uga dhacday gobolka Sool, isla markaana waxa uu tilmaamay in aanay doorashadu ka dhicin degmada Xudun.
“Waxa ay ahayd markii u horaysay ee doorashadu si fiican oo nabad-gelyo ah uga dhacdo gobolka Sool. waxaanan ku faraxsan nahay in maanta ka codeeyeen 24,500 qof, iyada oo sanadkii hore ay tiro intaa ka yar ka codaysay,”ayuu sheegay Guddoomiye Ku xigeenku.
Waxaanu intaasi ku ladhay “Degmada Xudun doorasho kamay dhicin, inta kalese si fiican bay uga dhacday.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com