Wasiirka Kalluumaysiga oo Gaashaanka ku dhuftay eedo loo jeediyay Madaxweyne Ku xigeenka

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kharyaadka Badda ee Jamhuuriyada Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedaymo loo soo jeediyay Madxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdjlaahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ka mid ahaa weftigii la socday madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Lughaya ku sugnaa xilligii doorashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo loo soo jeediyay madaxweyne ku-xigeenka intuu joogay degmada Lughaya, iyadoo ay eedayntu ahayd wax isdaba marin uu ku sameeyey intuu halkaas ku sugnaa hanaankii doorashadu u socoto.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay telefishanka madaxa-banaan Horn Cable TV, ayaa isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa usbuucan xisaab ayaynu madaxa iskula jirnay labo labo koox koox xisbi xisbi urur urur, natiijaduna waxay xisaabinaysay inta cod ee soo baxday, waxa inoo hadhay uun tii kama dambaysta ee komishanku doorashooyinka qaranku soo saari lahaa dhakhso loo filayo Insha Alla, taana waxaan rajaynaynaa in iyana si wadanimo leh aynu dhamaanteen ugu qanacno oo qof waliba intii Ilaahay u qoray ee u soo baxa ee ku salaysan codadkii la bixiyay xisaabtiisii in si muwaadino leh aynu u aqbalno natiijada oo aanu ururada ku gubaabinaynaa musharxiiinta ku gubaabinaynaa guud ahaan.”

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Marka Madaxweyne ku-xigeenka noqoto anaa la socday waa marka u horaysee Saylac anagu maanaan gaadhin. Weftigaa madaxweyne ku-xigeenku waad ogtihiin waxa uu u baxay Lughaya gudaheeda oo sanduuq saldhig bilays inta la soo weeraray niman dhalinyarii soo weerareen bilayskii difaacayayna xabado fureen, nin dhalinyaro ah waa ku dhintay Illaahay ha u naxariistee labana way ku dhaawacantay, arrintaas ayaan u tagnay waxa kale oo jiray dareen labada beelood ee wada daga deegaanka dhexdooda galay oo odhanaya beel ka midaa laga soo raray meel kale oo lagu soo raray deegaanka oo dabadeedna waraaqihii naloogu talo galay naga boobaya oo naga buuxinaya oo dabadeedna in doorashadii halis gasho aanu uga baaqanay.

Sidaanu u tagnay sidaas ayay ahayd, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ka shaqaynayay isu soo dhawaanta labadaa beelood beesha laga cabanayay ee la lahaa meesha ay ku soo guureen in loo ogolaado codka, wuxuu ku jiifsaday beeshiisa dadkana ka waramayaa ee lay sheegay inay ka waramayaan halkaa magacyada lay sheegay deegaanka ma bay joogin markaa siday uga warameen garan maayo doorashadan imika kamay waramin doorasho kale ayay ka waramayeen, waxa igu maqaala ah madaxbaa tidhi Madaxweyne ku-xigeenkaa sanaaduuq beeshiisa u qaybinayay waar Illaahay ka baqa waxaydaan ogayn haka waramina, Madaxweyne ku-xigeenku sanaaduuq uu leeyahay uu gawaadhidiisa ku sitay may jirin qofku wuxuu leeyahay inuu ku xishoodo waxyaabaha qaar sabab alaale sabab aanu labadaa beelood ee halkaa wada daga aanu ugu kala eexano ma jirto, aniguna labadaa reerood midna kama soo jeedo, aakhirona ii raaci maayaan labadaa beelood qof waliba kaligii ayuu dhimanayaa markaa waxa weeye wanaag labaduba waa laba beelood oo reer Somaliland oo aanu jecelnahay sida meelaha kale wixii khilaaf iyo cabasho gudaheeda waxaanu jecelnahay inay dhamaystaan,”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com