Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Deeq Agab ah ka Guddoomay Jaaliyadda UK

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa manta ka gudoomay deeq agab ah xubno matalayey jaaliyadda Somaliland ee dalka UK.

Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda ciyaaraha ee magaalada Hargaysa ayaa wasiirka waxaa lagu wareejiyey deeqdaas oo loogu talo galay garsooraysha xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha taasoo ay soo bixiyeen Md Cabdicasiis Cali Yuusuf oo xubin ka ah xidhiidhka F A-ga Ingiriiska iyo jaamac axmed olol oo isna ka mid isla jaaliyadda Somaliland ee UK.

Muwaadin Cumar Hennery oo ah wakiilka deeqdaas la soo mariyey ayaa munaasabadaa ka sheegay ina aanay ahayn markii ugu horaysay ee deeq noocaas ah ay jaaliyadda UK soo gaadhsiiso wasaaradda ciyaaraha Somaliland, isagoo intaas raaciyey in qalabaynta garsoorayaasha Somaliland ay tahay fikrad ka dhalatay markii ay jaaliyadda UK daawatay qaab dhismeedkii garsoorayaashii somaliland ee dhexdhexaadinayey ciyaarahii Gobolada Somaliland ee sanadkii 2011 ku qabsoomay xarunta Gobolka togdheer magaalada Burco.

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa dhankiisa sheegay in wasaarada ahaan ay qalabkan baahi dheeraada u qabeen gaar ahaan xiligan xaasaasiga ah ee la qabanayo ciyaarahii Gobolada Somaliland ee sanadkan 2012.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com