Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Diyaarad Hub iyo Rasaas ah u soo Raray Kooxda Cali Galaydh

Taleex (Somaliland.Org)- Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa diyaarad sahay iyo saanad ciidan u siday kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo-seeg u soo diray magaaladda Taleex ee gobolka Sool oo fadhiisin u ah kooxaha nabad diidka ah.

Diyaaradan ayaa la sheegay in kooxda nabad diidka ah u siday Dirays, rasaas iyo hub aan la xaqiijin xadigiisa, siday wargeyska DAWAN u xaqiijiyeen goob joogeyaal ku sugan magaaladda Taleex.

Diyaaradan oo soo cago dhigatay abaaro 2:15 duhurnimo ee shalay, waxa kale oo saarnaa xubno ka mid ah madax-dhaqameedka dibad wareega ah ee Goboladda Buuhoodle iyo Sool, kuwaasi oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah kooxda Khaatumo-seeg ee ku fashilmay inay ka mid noqdaan dawladda Soomaaliya.

Xubnaha saarnaa diyaaradani waxay ka mid ahaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Ugaas C/llaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Sanyare.

Waxa kale oo diyaaradan saarnaa xubno ka mid ah kooxda Cali Khaliif Galaydh kuwaasi oo kala ahaa Mukhtaar Ibraahim Xabashi, Yaasiin Axmed Sulub, Maxamed Ducaale iyo Cumar Jaamac Saleebaan.

Diyaayaradan hubka iyo saanada milatari u siday Khaatumo-seeg, ayaa shalay gelinkii dambeba dib ugu noqotay magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, Waxaanay arrintani noqonaysaa isku day Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku doonayo inuu nabad-gelyo darro ka abuuro deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland.

Dadweynaha ku dhaqan degmadda Taleex ayaa illaa xalay ka cabsi qabay in dagaal ka dhaco Magaaladda Taleex, haddii kooxdan magaaladda yimid ay isku dayaan inay weeraraan fadhiisimadda ciidammadda qaranka ee ku sugan Jiida Gobolka Sool.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com