Madaxweyne Siilaanyo oo la arkay isagoo dhex Lugaynaya Magaaladda Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta la arkay isagoo lugaynaya jidka u dhaxeeya Madaxtooyadda iyo Maxkamada Sare, halkaasi oo juu dhigax dhigayay dhisme laba dabaq ah oo dawladda Ingiriisku u dhisayso wasaaradda cadaalladda Somaliland.

Madaxweynaha oo ay weheliyeen wasiirrada cadaaladda, Madaxtooyadda, Taliyeyaasha ciidammadda Booliska iyo Asluubtu, waxa intii uu lugaynayay uu u gacan haadinayay dadweynaha oo uu salaamayay iyaguna u gaca haadinayay.

Waa markii labaad ee madaxweyne Siilaanyo uu lugeeyo muddo todobaad ah, iyadoo maalintii codbixintii doorashada deegaankana uu ka soo lugeeyay xarunta Ha’yadda shaqaalaha oo markii uu goobtaasi ka codeeyay soo lugeeyay illaa madaxtooyadda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com