Wasiirka Caafimaadka oo furay kulan lagu dersayo siyaasadda fayo-dhawrka

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog) ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay Shir lagu gorfaynayo Siyaasadda Fayo-dhawrka Qaranka.

Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Wasaarada Caafimaadka waxaa ka qayb galay hay’adda Caritas, Who, Wasaaradaha Waxbarashada, Deegaanka, Hawl wadeenada Caafimaadka ee Gobollada iyo Ururrada Wadaniga ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay hay’addaha gacanta ka gaystay qabsoomida shirkan oo ahmiyad balaadhan u leh sidii loo heli lahaa Siyaasad qaran oo ku wajahan Fayo-dhawrka.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog) ayaa ka waramay baahida loo qabo sidii loo heli lahaa siyaasad heer qaran ah oo si dhab ah uga turjunta fayo-dhawrka, isla markaana ay bulshadu ku gaadhi karto horumar, Wasiirku waxa uu u mahadceliyay hay’adda Caritas oo Wasaaradda Caafimaadka gacan ka siisay dejinta siyaasadda lagu hago fayo-dhawrka bulshada.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu kula dardaarmay xubnaha kulankan ka qayb qaadanayay sidii ay u soo saari lahaayeen fikrado wax ka tara Siyaasadda qaran ee fayo-dhawrka.

SOMALILAND.ORG