Magacyadda 21-ka Xildhibaan ee Golaha cusub deegaanka Berbera

Berbera (Somaliland.Org)-Komishanka Doorashooyinka Degmadda Berbera, ayaa galabta ku dhawaaqay natiijadda doorashada deegaanka ee wadanka ka dhacday Arbacadii todobaadkii hore.

Sida uu ku soo waramay Weriye C/Kariin Siciid Saalax, waxa 21-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Berbera ka kooban yahay axsaabtu u kala heleen sidan:-

1.UMMADDA 2139 cod oo u dhiganta 1 xildhibaan

Maxamed Cali Xaji Axmed

2.UCID 10929 cod oo u dhiganta 5 xildhibaan

Cabdishakuur Cidin, Iid Saleebaan, Muuse Daa’uud Cilmi, Saleebaan Cali Khayre iyo Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf

3. KULMIYE 17261 cod oo u dhiganta 9 xildhibaan

Cabdale Maxamed Carab, Rashiid Aadan, Xaaji Nuur Cawl, Cali Cabdi Dheere, Mustafe Xoolow, Daahir Aw-nuur, Maxamud Cabdilaahi Bidhiidh, Jamac Samatar Hakida, Rashiid Haaruun,

4. DALSAN 680 cod waxba mu ku helin.

5.RAYS 3853 cod oo u dhiganta 2 xildhibaan

Ismaaciil Xaamud, Maxamud Maxamed Hurre

6. WADDANI 6272 cod oo u dhiganta 3 xildhibaan

Baashe Cabdilahi, Maxamud Cabdilahi Fiiqay, Cabdiraxmaan Xuseen

7. XAQSOOR 2123 Cod oo u dhiganta 1 xildhibaan

Aadan Axmed Cali

Sarkaal Ka socday Komishanka Doorashooyinka Mr Raabi ayaa u mahad-naqay cid kasta oo ka qeyb qaatay doorashooyinka sida ciidamada amaanka iyo saxaafada bulshada iyo xisbiyada tartamayay.

GudoOmiyaha Komishanka Gobolka Saaxil Cismaan Xaashi ayaa isna mahadnaq u soo jeediyey dadka ku dhaqan gobolka Saaxil iyo Ciidamada Amaanka ee kor joogayay doorashada.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com