Salaadiinta Somaliland Oo Baaq u diray Axsaabta Siyaasadda iyo Murashaxiinta Deegaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xubno ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalladda Hargeysa, waxay ugu baaqeen murashaxiinta iyo 7 urur siyaasadeed ee galay doorashadda Goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii bishii hore inay aqbalaan natiijadda rasmiga ah ee ka soo baxda doorashadan.

Salaadiintaasi oo magacyadoodu kala ahaayeen Suldaan Axmed Nuur Samaalle, Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Naasir Cabdi Muxumed iyo Suldaan Maxamed Maxamuud Xayd, waxay u soo jeediyeen axsaabta siyaasadda inaan xaq dhawraan codbixintii doorashadii ku dhacday hanaanka nabad-gelyadda ah.
Salaadiintu waxa kale oo ay dadweynaha Somaliland u soo jeediyeen inay ku faro-adaygaan nabad-gelyada iyo midnimadda dalkooda.

Salaadiintu waxay ku booriyeen axsaabta siyaasadda inay is dejiyaan oo ay aqbalaan wixii natiijo ah ee Komishanka doorashooyinku ka soo saaraan.

Madax-dhaqameedku waxay ugu shacbiga Somaliland ee ku dhaqan goboladda dalka ay ku bogaadiyeen nabad-gelyadii iyo jawigii ay doorashadii deegaanku wadanka uga dhacday. Waxa kale oo ay hambalyo u direen ciidamaddii Nabad-gelyadda iyo hawl-wadeenadii komishanka ee ka hawlgalay goobihii codbixinta doorashada deegaanka oo ay tilmaameen inay dalkooda sharaf u soo hooyeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com