Jamaal Cali Xuseen: Siyaasi Tallo u Baahan

By: Liibaan Cali X. Raabi

Sida aanu wada ognahay lama maqal, lamana arag nin sheegtaa inuu yahay aqoonyahan, siyaasiya haddana aan soo marin jaranjaradii iyo haykalkii siyaasadu lahayd amase aqoonyahan ahaa, tan iyo intii ay Somaliland jirtay, oo yidhaahda mar qudha amase ku riyooda inuu noqdo nin siyaasi ah oo daamac ka galo sidii uu noqon lahaa musharax madaxweyne-nimo , oo soo walwaasha lacag ribo ah ‘Interest’ amase loo yaqaano dheef-karo, raasamaalkiina soo dhigtay Baananka adduunka haddana aan aqoon u lahayn dalka, dadka iyo dhaqankaba, horena aan dalka loogu arag amase mashraxa golaha siyaasada aan hore loogu arag, wargeysyada, mareegayaasha iyo TV-yada dalkana aan hore uga muuqan jirin marka laga reebo bari dhawayd oo uu ‘barnaamij uu ugu magac-daray, Diiwaan Qosolka’ oo uu shaashadaha TV-yada dalka aanu ka daawan jirnay, oo uu isagu islahaa markaa waa barmaajika qudha ee aad ku soo fuuli karto jaranjarada siyaasada dalka.

Waxaan leeyahay maba xuma haddii damac siyaasadeed aad ku hamiday, laakiin salaad walba wakhtigeedaa la tukaadaa Ina-adeerkay Jamaal Cali Xuseenoow, wakhtigan xadarka ahna Somaliland uma baahana nin sidaada oo kale yidhaahda Banker ayaan ahay oo kolba xisbi aanu lahayn amase tacab aanu ka galin yidhaahda iga iibiya oo kolba xisbi aanu lahayn kula dul kufa lacag ribo ah amase dheefkaro ah uu ka soo qaatay baananka caalamka taasoo isagu islahaa quluubta dadka Somaliland baa ku kasban kartaa, laakiin, waxaanu ogayn in ummaddan Somaliland ay kala barteen qolooyinka meelaha nooga yimaada sida adiga oo kale oo aanay u kala soocnayn xaaraan iyo xaalal ribo iyo ribo la’aan amase aan yaqiinsanayn dheefkarku inay diinteenna suubanni ay naga xaarantinimaysay 1400 oo sano ka hor.

Jamaalow dadku sida ay kuu arkaan mise sida aad naftaada u aragto ina-adeer, dadku waxay kuu arkaan nin dhallinyaro ah oo sita afkaar dad kale oo qurba-joog ah, oo wata dano siyaasadeed oo ka fog qadiyada Somaliland.

Waxaan Jamaalow ku siinayaa talo adiga kuu ah dhaxal gal, taasoo ah in aad lacagtaadii ribada ahayd amase dheefkarka ahayd aad ka raadsato cidii aad isleedahay amase aad u tuhmayso maanta in ay kaaga maqan tahay, yeeli-waa, in aad tolkaa u soo bandhigto halka ay lacagtaadii kaaga maqan tahay amase cida aad siisay si ay kuugu soo dhiciyaan ilayn geelaba marka la dhaco rag baa soo dhicin jiray waagii hore, sababta oo ah Soomaalidu waxay ku maah-mahdaa ‘Nin Waalan Tolkii Ayaa U Miyir Qaba’ daa’in abid lama arag qof lacag kula dul kufa xisbi oo yidhaahda xisbi iga iibiya, amase yidhaahda musharax xisbi iga iibiya oo malaayiin lacaga ku bixiya, qof kastaa oo ka mid ah dadweynaha Somaliland yaab iyo amakaag ayey ku noqotay ficilladaa noocaas ah ee aad Jamaaloow dadka, dalka aad ku soo kordhisay, waxaana rajaynayaa in aad ku darsan doonto Buuggaaga Diiwaanka Qosolka ee aad dhowaan ku soo bandhigtay shaashadaha wadanka, annaguna waxaanu ku dari doonaa buug aanu dhowaan diyaarinayno oo magaciisa la yidhaahdo Diiwaanka hawo iibsiga’.

Raabi2009@hotmail.com