Guddoomiye Ku Xigeenka WADDANI Oo Soo Dhaweeyay Natiijadii Doorashada Ee Gobolka Awdal

Boorame (Somaliland.Org)-Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Urur Siyaasadeedka Waddani Mudane Axmed Muumin Seed oo maanta shir Jara’id ku qabatay Magaalada Boorama ayaa shaaca ka qaaday inay xa xisbi ahaan ku qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday Gobolka Awdal ee dhinaca doorashooyinka. Waxana uu shacabka reer Awdal ugu hambalyeeyay sida ay doorashada uga qayb qaateen.

Guddoomiye Ku Xigeen Axmed Muumin Seed isaga oo ka hadlaya arimahan waxa uu yidhi “ Waxa aan sheegayaa in doorashadan qabsoontay ay Umada Reer Somaliland sugayeen mudo dheer, maanta way qabsoontay tirintiina way socotaa meelaha qaar, waxana aan rajaynayaa inay si guul ah ku soo dhamaato dalkana ay u hadhaan sedex xisbi qaran”.

Gudoomiye Ku Xigeenku waxa uu ka waramay natiijada ka soo baxay G/Awdal waxana uu gaashaanka u daruuray inay wax is daba marini dhacday waxana uu yidhi “ Waxaan ku suganaa G/Awdal, runtii doorashadu waxa ay uga dhacday six or iyo xalaal ah, ma jirin wax madmadow ah waxwalbana way cadaayeen, natiijadii sedexda daqmo ee hore waaan haysanay, xalayna waxa aan maqalnay oo lagu dhawaaqay tii D/Boorama, runtii aad baan u soo dhawaynaynaa ka Urur siyaasadeed wadani ahaan, waanan ku qanacsanahay, waanan ku hambalyaynaynaa inta nala soo baxday, waxanan sidoo kale ku hambalyaynaynaa inta kale ee hadhay sidii wanaagsanayd ee ay u tartameen iyo aqbalkooda gobanimada leh ee natiijada”.

Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa ilaa hada isku hubsaday 14 kursi oo ka mid ah kuraas 64 ah oo G/Awdal looga tartamayay, waxana uu noqonayaa urursiyaaadeedka labaad marka la eego xaga kala saraynta ee G/Awdal.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame