Goob Joogeyaashii Caalamiga ahaa oo Majeertay Hanaankii ay u qabsoontay doorashadii Deegaanku

Hargeysa (Somaliland.Org)-Goobjoogayaasha caalamiga ah ee dusha kala socday qaabkii ay u qabsoontay doorashadii golaha Degaanka ee Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Hargeysa waxay ku soo bandhigeen warbixin hor dhac ah oo ay kaga hadleen hanaankii doorashadaasi u dhacday.

Shirkaa jaraa’id oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka, hawlwadeeno ka kala socday ururada wadaniga ah, ee dhinaca nabadgelyada iyo isku xidhka
Goobjoogayaashu waxay kaga dhawaaqeen inay doorashadii golayaasha degaanka Somaliland u qabsoontay si nabadgelyo ah, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida tiro badan ee dadweynuhu uga qayb qaateen iyo weliba sida ay dad dhalinyaro iyo haween ah, oo ka badan kuwii doorashooyinkii hore isu soo sharaxeen.


Kormeerayaashu waxay mar kale sheegeen inay warbixintooda kama dambaysta ah soo gudbin doonaan marka lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah.
Doorashadan oo ay ka qayb qaadanayeen labo Kun sadex boqol iyo Sideed iyo Lixdan musharax, una tartamayey sadex boqol iyo sagaal iyo todobaatan kursi oo Lixda gobol ee somaliland ah. oo ka kala socday Laba Xisbi iyo Shan urur siyaasadeed.

Kormeerayaasha caalamiga ahi waxay ku amaaneen gudida doorashooyinka qaranka, sida ay ugu dhabar adaygeen hawshaas iyo sida ay wada shaqaynta ula sameeyeen dhinacyadii dusha kala socday doorashada oo ay ka mid yahiin kormeeayaasha laftoodu.

Goob joogeyaashu waxay ka koobnaayeen 52 xubnood oo ka kala socday 18 wadan oo caalamka daafihiisa ku kala yaalla. Waxaanay warbixintoodu ku soo beegantay iyadoo si gooni gooni ah loogu dhawaaqay natiijadda badi magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Somaliland.Org/Hargeysa
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com