Badhasaabka Awdal: “Somaliland Waxay Cagta Saaratay Jidkii Aqoonsiga”

Boorame (Somaliland.Org)-Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci oo maanta saxaafada la hadlay ayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland uga mahadnaqay sida wanaagsan ee nabada ah ee ay uga qayb qaateen doorashoyinka, waxana uu tani ku micneeyay talaabo guul ah.

“ Shacabku sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka, u dhawreen nabadgalyada, u muujiyeen bislaashaha dhinaca dimuquraadiyada waxa ay astaan u tahay inay cagta saareen tubtii aqoonsiga ee mudada la sugyay, tani waa mid caalamku ku cibro qaadanayo, dalal badana u ah cashar lama ilaawaan ah” ayuu yidhi Badhasaabka Awdal.

Badhasaab Axmed Xadi Sidci waxa uu ku celiyay in guud ahaanba ay Gobolka Awdalsi wanaagsan oo nabadgalyo ah uga qabsoontay doorashadu waxana uu u mahadnaqay gabi ahaanba dadkii ka qaybqaatay doorashooyinkaasi qabsoomidooda ee kala ahaa Xukuumada, Axsaabta iyo Ururada Siyaasada, Ciidamada Amniga, Shacabka iyo guud ahaanba deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame