Awdal: Ilbaxnimo Iyo Aqoon Guun Ah Ayaa Ka Muuqata Sida Dadku Rabitaankooda Cod Ugu Muujiyeen

Hargeysa (Somaliland.Org)-Shacabka reer Boorama si wayn ayay u soo dhaweeyeen natiijadii ka soo baxday guud ahaan G/Awdal iyo tii u dambaysay ee natiijadeeda la sugayay ee Magaalada Boorama.
Dadku iyaga oo kali kali iyo koox koox labada ah ayay saxaafada uga waramayeen dareenkooda, waxana ay hoosta ka xariiqeen in doorashooyinka dhacay ay yihiin kuwo si wayn looga qayb qaatay dadkana u muujisay in dalku talaabo fiican hore u qaaday.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa yidhi “ Gari laba nin kama wada qosliso, waa la codeeyay oo waa lgu dhawaaqay natiijadii, sidaasi darted, waxa guusha iska leh shacabka waan in loo hogaansamaa”.
Mid ka mid ah oday dhaqameedyda reer Awdal oo isaguna dareenkiisa cabiray ayaa yidhi “ Dadku waa hadlay, waxana uu ku muujiyay dareenkiisa cod, waxa muuqata in ay soo baxayaan dadka ay kalsoonida badan siiyeen shacabku sidaasi aawadeed, hala tixgaliyo doonida shacabka oo nabadgalyada ha la dhawro”.

Dhinac kale dadku shacabka ahi waxa ay la ashqaraarsan yihiin sida ay gobolka Awdal uga qabsoontay doorashadu,tirinta iyo natiijadana loogu dhawaaqay ee uu G/Awdal noqday mid ay wax walba ka soo dhamaadeen iyada oo lagu wada niyada san yahay, waxana ay isku raacsan yihiin shacabka reer Awdal in talaabadani ay muujinayso bislaasho dhinacy badan ah oo ay reer Awdal dadka reer Somaliland dheer yihiin”.

Mid ka mid ah Aqoonyahanka reer Awdal oo dareenkiisa cabirayay ayaa yidhi “ Waa ilbaxnimo iyo xadaarad soo jireen ah, aqoon guun ah oo ay dadka reer Awdal ku abtirsadaan, wa wax lagu faano oo dadka kale looga baahan yahay inay xushmeeyaan, waa indheergaradnimo gaamurtay, ma aha wax la yaraysan karo in la codeeyo, la tiriyo, la kala bato oo la isku hambalyeeyo”.
Si kasta xaalku ha ahaadee reer Awdal way muujiyeen kalsoonida cida ay siinayaan, waxana ay noqdeen gobolkii ugu horeeyay ee ay natiijadiisa oo si wayn loo sugayay looguna xisaabtamayay ay soo dhamaato.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame