Xildhibaan Nac-nac Oo Beeniyay In Xisbiga KULMIYE ku shubtay Doorashadii Deegaanka

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Hargeysa, ayaa beeniyay in ururkiisu uu ku shubtay doorashadii goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii bishii la soo dhaafay ee November 2012.

Xildhibaan Nac-nac oo daba socday eedo loo jeediyay xisbi xaakimka KULMIYE, waxa uu yidhi “Waxaan cadaynayaa in aanay jirin wax ku shubasho ah oo uu xisbigayaga KULMIYE ku dhaqaaqin,degmo, tuulo iyo gobol qudha. Waxa aan leeyahay haddii uu tartan dhaco cid uun baa guulaysata, cidna way guul daraysataa.”

Md. Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac waxa uu ururadda tartanka laga guulaysto ugu baaqay inay u haneeyaan kuwa soo baxa, waxaanu yidhi “Doorashadu waxay inoogu qabsoontay hanaan nabad-gelyo ah, Marka la shaaciyo natiijadda doorashooyinka Golaha Deegaanka sadexda urur siyaasadeed ee ay Komishanku shaaciyaan ku guulaysteen doorashadda oo ay xisbiyo noqdeen haloo haneeyo.”

“Waxaan leeyahay ku qanca oo yaanay nabadgalyadeenu inaga xumaanin,”ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com