Tirinta Codadkii laga dhiibtay magaalooyinka waaweyn ee dalka oo socota iyo wer-werka murashaxiinta

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xarunta Komishanka Doorashooyinka ee Caasimada Hargaysa ayaa waxa weli si habsami leh uga socda Tirinta Codadkii doorashada ee Magaaladda Hargaysa laga dhiibtay doorashadii Golaha deegaanka ee dabayaaqadii todobaadkii hore ka qabsoontay Guud ahaan Wadanka.

Xarunta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa ka socota hawl balaadhan oo si taxadar leh loo kala hubinayo Coddkii ay kala heleen Murashiixiinta ka qayb galay doorashadii Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo tiradoodu dhan tahay 175 (Boqol iyo Shan iyo Todobaatan Murashax),isla markaana ay barbar socoto Tirada ay kala helayaan Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadeed ee ku loolamay Doorashadan.

Geesta kale Murashixiinta ka qayb galay doorashada golaha deegaanka ee Magaalada Hargaysa ayaa gaaf wareegaya agagaarka Xarunta Komishanka iyadoo uu mid kastaaba wadnaha farta ku hayo,waxa uu ka heli doono Codadka uu ku tallo jiro inuu kaga mid noqdo Xubnaha Golaha Deegaanka oo ka kooban Shan iyo Labaayan Xildhibaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed ayaa Sheegay in kooxdii hawl wadeenada Komishanka ee Tirinta Codadka galay ay weli ku guda jiraan,waxaanu intaas ku daray in si Taxadar leh loo hubinayo Codadka la kala helay ,isla markaana ay natiijada wakhtiga ugu haboon ku soo saari doonaan .

Dhinaca kalena waxa siday ku soo waramayaan weriyeyaashayadda goboladda dalku wali ka socota tirinta codadkii laga dhiibtay magaalooyinka Boorame, Gabilay, Ceerigaabo iyo Burco.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com