Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray qoyskii Marxuum-XAAJI AXMED X. MAXAMUUD CABDI (XAAJI ACTOOBER)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Dr, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii uu ka baxay MARXUUUM XAAJI AXMED XAAJI MAXAMUUD CABDI (XAAJI ACTOOBER) oo ku geeriyooday Dalka dibediisa laguna aasay 30/11/2012, Magaalo Madaxda Goblka Togdheer ee Burco.

Xaajigu waxa uu ka mid ahaa odayaasha gobolka magaca iyo maamuuska ku leh sidoo kale waxa uu marxuumku ka mid ahaa oday dhaqameedka gobolku ku faano marka ay noqoto wada jirka bulshada ku dhaqan gobolka oo uu mar walba jeclaa wada noolaanshahooda iyo inay wax wada qabsadaan.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii uu ka baxaydayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.