“Madaxweynaheenna ayaa tusaale inoo ah oo 80 cod ku waayay madaxtinimaddii 2003-dii”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, ayaa ugu baaqey masuuliyiinta axsaabta siyaasadda iyo murashaxiinta u atartamayay doorashada golaha degaanka inay aqbalaan Natiijadda komishanku ka soo saaro doorashadii todobaadkii hore ka dhacday wadanka.

Md. Cali Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxaan run ahaantii u soo jeedinayaa murashixiinta, kolka horeba qof og inuu soo baxayo ma jirin, waayo haddii la og yahay hebel soo baxaya dee doorashaba ma dhacdeen.

Doorashaddu waa ta dadka lagu kala reebayo. doorashadu waxay la mid tahay ciyaarta kubadda cagta oo marka garoonka la soo galo labada kooxood ee wada ciyaarayaa koox kasta waxay jeceshahay inay badiyaan laakiin koox uun bay guushu raacdaa oo badisa.” “Markaa guul ayaynu joognaa mar haddii doorashadu si nabad galyo ah inoogu dhamaatay, waxaana leeyahay cida laga badiyey iyo xildhibaanka laga badiyay inuu halkaa ku samro,” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka labaad ee Wakiiladdu.

“Tusaale fiican oo lagu deydo waxa inoo ah Madaxweynahaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo 80 cod ayuu kaga hadhay doorashadii madaxtinimada 2003-dii. kolkaa musharax gole degaan ee hadha waxaan u soo jeedin lahaa inuu madaxweynaheena kaga daydaan tusaalahaasi wanaagsan.” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf Axmed.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com