Dr. Gaboose oo Ciidammadda Ammaanku ka hor istaageen inuu galo goobta lagu tirinayo codadkii Boorame

Dr. Gaboose oo Khamiis iyo Cimaamad ku soo hilaabtay iyo Niyad xumadii ka muuqatay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay ka muuqato rajo xumo uu ka qabo natiijadda doorashada deegaanka ee tirinteedii lagu gudo-jiro, ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ku tagay magaaladda Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Dr. Gaboose oo ku labisnaa Khamiis sibidhi ah, laaskoodhad iyo cimaamad uu madaxa ku hilaabtay waxa wejigiisa ka muuqday niyad xumo, waxaana socdaalkiisa ku weheliya Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Ururka UMMADDA Prof. Qaasim Sh. Ibraahim Tubeec.

Weriyeyaasha ayaa kula kulmay xarunta dawladda Hoose ee Boorame horteeda halkaasi oo isaga iyo ku xigeenkiisa ay ka hor istaageen inay galaan gudaha goobta lagu tirinayo codadkii laga dhiibtay degmadda Boorame.

Socdaalkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay soo baxeen in Urur siyaasadeedka UMMADDA aanu wax codad ah oo badan ka helin magaaladda Boorame oo ka mid ah deegaamadda uu sida weyn ugu xisaabtamayay.

waxa warku intaasi ku darayaan inuu wali ku sugan yahay magaaladda Boorame, isla markaana uu degay Huteelka Rays ee magaaladda Boorame.

Sacad C/Raxmaan Muxumed
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com