Xukuumadda Somaliland Oo Ka Warantay Dareen celinta Adduunku ka bixiyay Doorashadii Deegaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in doorashadda deegaanka ee dalka ka dhacday 28-kii bishii hore ay kor u qaaday martabadda ay Somaliland ku leedahay dunida dimuqraadiyadda.

“Doorashadani waa tii labaad ee Golaha deegaanka ee toban sanadood gudahood ka dhacda dalka. Waxaanay qaabaynaysaa nidaamka siyaasiga ah ee dalka iyo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Goob-joogeyaashii caalamiga ahaa ee kormeeray doorashada deegaanku waxay soo saareen warbixin hordhac ah oo muujinaysa inay u qabsoontay si xor iyo xalaal ah.”

“Taasina waa ta sababtay in wadamadda saaxiibadda Somaliland iyo qaadhaan-bixiyeyaashu ay dhambaaladda hambalyadda ah u soo qorayeen madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba,”ayuu sheegay Wasiirka Khaarajigu.

“Waxaanay ku hambalyeynayeen sida wanaagsan ee dimuqraadiyadda ah ee ay doorashadii Goleyaasha deegaanku wadanka uga dhacday,”ayuu intaasi raaciyay Wasiirku.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com