Munaasibad lagu xusayay Maalinta AIDS-ka Adduunka oo lagu qabtay Hargeysa


Komishanka xakamaynta AIDS-ka Oo daboolka ka qaaday tirada 8-dii bilood ee u dambeeyay laga helay HIV/AIDS

Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasabad balaadhan oo lagu xusayey Maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan manta oo taariikhdu ahayd kowda bisha Decembar ayaa lagu qabtay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.
Siday faafisay wakaalada wararka ee SOLNA oo aanu warkan ka soo xiganay, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud Muxumud (X Xoog) oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Kumishinka Aids-ka Md Maxamed Daahir, hawlwadeeno ka kala socday ururada bisha case e Somaliland iyo Dalladda Sahan ee wada shaqaynta la leh hay’adaha caafimaadka ayaa manta ka qayb galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo sidoo kale ay goob jog ka ahaayeen tiro badan oo ka mid ah dadka la nool cudurka HIV-AIDS.

Munaasabadaas maanta oo sidoo kale lau soo bandhigay riwaayad ka turjumaysa dhibaatooyinka Aids-ka iyo hanaanka haboon ee lama huraanka u ah sida loola dhaqmayo dadka la nool HIV-ga ayaa wasiirka wasaradda caafimaadka Dr Xuseen Xoog waxa uu ka faahfaahiyey sababaha dhaliyey in maalmo gaar ah loo sameeyo arimaha ay ka mid yahiin Aids-ka taasoo uu ku sheegay in looga dan leeyahay baraarujin dadweyne si loogu istaago looguna midoobo wax ka qabashada dhibaatada cudurkaasi.

Wasiirka ka hor waxaa munaasabadaasi warbixin ku saabsan qiyaasta uu wadanka ka marayo Cudurka HIV Aids ka jeediyey Agaasimaha Komishinka Aids-ka Maxamed Daahir oo sheegay in weli uu taagan yahay 1.3% , halka sidoo kalena uu sheegay in sanadihii u dhexeeyey 2004 ilaa 2012 tirada dadka la baadhay ay gaadhayso Labaatan Kun sadex Boqol iyo Konton iyo Kow ruux oo sadex iyo Toban kun iyo labo boqol iyo kow iyo todobaatan ka mid ahi ay haween yihiin.

Maxamed Daahir oo ka warbixinayay xanuunkan waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan faahfaahin kooban idinka siiyo xanuunka iyo halka uu dalka ka marayo, marka aanu eegno cilmi baadhis aanu samaynay wali waxa uu taagan yahay 1.3%, marka aanu dib u eegno dadka la baadhay 2004-tii ayuu bilaabmay hawsha baadhitaanku iyo wax ka qabadka HIV, mudadaasi ilaa maanta wakhtigii u dhaxeeyey waxa la baadhay 20,758 (Labaatan Kun todoba boqol iyo sideed iyo konton ), kuwaasi oo kala ahaa 10,316 (toban kun sadex boqol iyo lix iyo toban) dumar ah, 10469 (Toban kun afar boqol iyo sagaal iyo lixdan) rag ah, waxaana mudadaasi dadka la baadhay laga helay 1,575 (Kun shan boqol iyo shan iyo todobaatan) dumar ah.”

Agaasimaha fulinta ee Komishanka SOLNAC oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Ragana waxa laga helay 1,239 (Kun laba boqol iyo sagaal iyo sodon qof), waxaana isku gayn mudadaasi laga helay xanuunkan 2,814 (Laba kun sideed boqol iyo afar iyo toban qof), marka aynu eegno sanadkan xogaha gobolada nooga soo xarooday, bishii labaad ee sanadkan ilaa bishii sideedaad waxa iyana la baadhay 20,351 marka aad eegto mudadaasi dhawrka sanadood ahayd iyo inta sideed bilood ahayd inta la baadhay aad moodo inay isku dhaw dhaw yihiin 13, 271 (Sadex iyo toban kun laba boqol iyo kaw todobaatan) ayaa dumar ahaa, waxaana rag ahaa 6, 880 (lix kun sideed boqol iyo sideetan), marka aynu eegno waxa laga helay xanuunkan, 266 (laba boqol lixdan iyo lix) dumar ah,”
“ Waxa rag noqday 195 (boqol iyo shan iyo sagaashan), isu gayntoodu waa 461 (afar boqol iyo kaw lixdan), marka aynu isku qaybino sideedaa bilood iyo wadarta guud ee la helay mudadaasi, macnaheedu waxa ay noqonaysaa 58 qof oo qaba HIV ayeynu bil walba aragnaa,”ayuu yidhi

Md Maxamed Daahir waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha is baadhay ee laga qiyaas qaatay ay u qaybsan yihiin dadka tegay goobaha caafimaadka ee dhiigga iska qaaday iyo haween ku umulay cisbitaalada.
Sida la ogyahay sanad walba maalinta kowda bisha decembar ayaa loo qorsheeyey in adduunka laga xuso cudurka HIV Aids, waxana wararka naga soo gaadhaya gobolada iyo deegmooyinka Somaliland sheegayaan in munaasabado kala duwan oo lagu xasuusanayo maalinta aids-ka lagu qabtay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com