Magaalada Burco Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aaasay Xaaji Axmed X. Maxamuud (Xaaji-Actoober)

Burco(Somaliland.Org)-Alle haw naxariistee Xaaji Axmed X Maxamuud Cabdi (Xaajiaktoober) oo ka mid ahaa ,Odayaasha hormuudka ah ee reer Togdheer oo todobaadkan ku geeriyooday dalka dabadiisa ayaa shalayto si heer Qaran ah loogu aasay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Aaska Xaajiga oo ka dhacay magaalada Burco ayaa waxa ka qaybgalay dadweyne aad u farobadan oo iskugu jira masuuliyiinta laama Dawladda ee gobolka Togdheer ,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ,guurtida ,ganacsato iyo qurbajoog kuwaasi oo ka kala yimi qaar ka mid ah gobolada dalka.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer Dr. Cabdiyaasiin oo faah-faahin ka bixiyay aqoontii uu ulahaa Alle hawnaxariistee Xaji-aktoober ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa . “ Xaajigu waxa uu ka mid ahaa ragii lafdhabarta u ahaa magaalada Burco gaar’ahaan ganacsigeeda xiligii xukuumaddii Maxamed Siyaad Bare iyo wixii ka horeeyay sidaa awgeed Xaajigu waxa uu lacagtiisa ku bixin-jiray xoojinta nabad-gelyda bulshada iyo wada-noolaasha .

Markaa waxaan Ilaahay uga baryaynaa in uu Janadii Faruusa ka waraabiyo Aamin “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Dr Cabdi-yaasiin .

Sidoo kale Caaqil Cali Cadaani oo isna kalmado koo ban ka yidhi taariikh nololeedkii Xaaji Axmed ayaa yidhi Xaajigu caruurnimo ayuu ku galay Sucuudiga markii danbe-na waxa uu galay Yurub lixdamaadkii ayuu ka soo noqday waxaanu ahaa baayacmushtarkii caanka ku noqday gobolkan Togdheer ,waxaanu ahaa odayaashii waawaynaa ee gobolkan taladiisa iyo hurmarkiisa looga dan-baynjiary ama waxlaga waydiinjiray markaa waxaan leeyahay Ilaahay hawnaxariisto Xaajiga ubadkii ,eheladii iyo qarankii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan haka siiyo “

Waxa kale oo iyna taariikhnololeedka marxuumka ka hadlay Aadan Dawac iyo Axmed Dirir waxaaney Ilaahay uga baryay in uu Janadii farduwsa ka waraabiyo qoyskii ,ubadkii iyo qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Hargeysa