Komishanka Oo Sheegay Inay Ku gudo jiraan Tirinta Cod-bixintii Magaaladda Hargeysa

Hargeysa (Somaliland,Org)- Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed Xamari, ayaa sheegay in illaa imika ay ku gudo jiraan codadkii laga dhiibtay degmadda Hargeysa.

“Illaa Imika wax socota Tirinta cododka Doorashada Golaha deeganka, Runtii Kooxdii Gashay Habeen hore 8:00-dii waxay ka soo baxeen 5 Subaxnimo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Xamari oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka.

Ciise Xamari waxa uu hadalkiisa intaas ku ladhay “Kooxdaasi hore Waxa badashay Koox kale oo iyana gashay 8 Suxnimo markaa wax wakhtiga intaasi leeg la tirinayaa waa cododkii, waa la hubinayaa oo si taxadar leh ayaa lo tirinayaa, natiijadan wakhtiga ugu haboon ayaanu soo saraynaa.”

Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka kooban 25 Xildhibaan waxa u tartamaya 175 Murashax oo ka kala tirsan 2 xisbi qaran iyo shan urur siyaasadeed.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail,com