Ciidanka Qaranka oo Maxaabiis ay ka qabteen Kooxaha Nabad diidka ah ku Wareejiyay Odayaasha Xudun

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku sugan magaalada Xudun ee gobolka Sool ayaa 3 maleeshiyo ah oo ay ku qabteen dagaal doraad kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo oo jidgooyo u galay ciidan ku socday xarunta degmada Xudun ku wareejiyay odayaasha magaaladaas.

Warkan ayaa sheegaya in Ciidanka Qaranka oo safar ku jiray in kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo u galeen meel u dhaxaysa magaalada Oog iyo degmada ay ku socdeen ee Xudun.
Ciidanka Qaranka iyo Kooxda nabad-diidka ah ayaa waxa dhex maray dagaal khasaare gaystay, waxaana ciidanka qaranka ka dhaawacmay hal askari.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in kooxdaas ay ciidanku ay awood ku muquuniyeen, isla markaana ay ka qabteen maxaabiis, waxaanay ciidanku ku wareejiyeen odayaasha magaalada Xudun sadex nin oo dagaalkaa doraad lagu qabtay oo mid ka mid ahi uu dhaawac ahaa waxaana imika saddexdaa nin ee kooxdaas gacanta ku haya odayaasha magaalada Xudun.

Dhinaca kale maleeshiyadii nabad-diidka ahayd ayaa la sheegayaa inay isugu tageen magaalada Taleex. Sidoo kale Ciidanka Qaranka ayaa imika hore ugu ruqaansaday deegaanka Taleex.
XIGASHO; WARGEYSKA DAWAN