Archive for December, 2012

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan-geliyay Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka

Monday, December 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku dhaqan geliyay Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka ee shalay Golaha Wakiiladda Somaliland meer-mariyay.

Agaasimaha Wasaaradda Dibadda oo Shaaciyay 14 Baabuur oo Itoobiya ku xayirnaa oo la sii daynayo

Monday, December 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha wasaarada Arrimaha dibada, Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Itoobiya ay sii daynayso 14 Baabuur oo Somaliland laga leeyahay oo ku xayirnaa dalkaasi.

“KULMIYE Albaabadiisu way u furan yihiin Ururradii ku hadhay Doorashadii Deegaanka”

Monday, December 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE ,kana mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ururradii ku guuldaraystay inay ka mid noqdaan saddexda xisbi qaran.

“Cida Masuuliyadda koowaad ka saaran tahay ilaalinta sharciga Wadanku waa Aniga”

Monday, December 31st, 2012 Comments Off

“Waxa Noo muuqata in la Hirgeliyo Diiwaan gelin dhamaystiran”

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo Shahaadooyin Ku Maamuusay Shirkado iyo Askhaas

Monday, December 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org) – Munaasibada lagu xusayay sanad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay maalintii asaaska dhallinyarada ee Unuga Wadanniyadda. Munaasibadan oo caawa lagu qabtay Huteel Imperial ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, gudoonka Jaamacadda Camuud iyo marti-sharaf. Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka [...]

‘Dawladda Somaliland waxa ay ku Hambalyaynaysaa Dadkeeda Guushii Doorashada’

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku hambalyaysay shacbiga guushii ka soo hoyatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka.

Shirkadda TELESOM Oo Shabakadda Somaliland.Org ka Xidhay in Internetkeeda laga Booqdo

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Waxa wax lala yaabo nagu noqday Markii si lama filaan ah shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM ay khadkeeda Internet-ka ka xidhay shabakadda wararka ee Somaliland.Org, 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo dadka isticmaala Inter-net-ka TELESOM aanay tahli Karin inay Booqdaan Mareegta Somaliland.Org. Ma garanayno asbaabaha shirkada TELESOM ku dhaliyay inay khadkeeda Internet-ka ka xidho shabakadayada. Tallaabadda [...]

Mo Farah Oo Lagu Xayiray Madaarka Magaalada Portland Ee Gobolka Oregon

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Orodyahanka Soomaaliga ah ee haysta dhalashada dal Britain Mo Faarax ayaa laamaha sirdoonka dalka Maraykanka waxa ay su’aalo ku weydiiyeen garoonka magaalada Portland ee gobolka Oregon. Mo Farah iyo qoyskiisa ayaa ka soo kicitimay dalka Canada, hase ahaatee Mo Farah waxa halkaas loo hakiyey arrimo la xidhiidha argagixisada oo su’aalo laga weydiiyey.

“The Government of Somaliland congratulates its people on successful local elections” Press Release

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

The Government of the Republic of Somaliland welcomes the outcome of Somaliland’s November 28th local elections, our latest in a series of several presidential, parliamentary and local elections stretching back to 2002.

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Miisaaniyaddii ugu Balaadhnayd ee Somaliland Yeelato

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadii ugu badnayd ee qaranku yeesho ee 2013-ka oo Wasaaradda Maaliyaddu ay ku horkeentay Golaha xiligii uu sharcigu jideeyay.

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Marti-qaad ah u sameeyay Salaadiinta dalka

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qado sharaf u sameeyey salaadiinta Somaliland ee ku sugan caasimadda.

Shirkadda SOM EVENTS oo shahaado-sharaf ku muteysatay Kaalintii ay ka Qaadatay Shirweynihii SONYO

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa, (Somaliland.Org) – Shirkadda Nashqadaynta xafladaha, shahaadooyinka iwm ee SOM EVENTS ayaa shahaado sharaf ku mutaystay qayb libaax leh oo ay ka qaateen shirweynihii SONYO ee ku soo gebageboobay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Haddaan noolaado! W.Q: Barkhad M. Kaariye

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Qof waliba degdeggiisa wuxuu u egyahay mid ku socda ballan uu ka habsaamay ama shaqo laga sugayo. Dadku waxay u wada muuqdaan kuwo igu cusub, marka laga reebo dad tiro yar oo markay iga hor yimaaddaan aanu is-weji garanayno ama is-magac-dhebi karno. Sababtoo ah, halka aanu joognaa maaha dalkii hooyo ee waa qurbe. Aniga oo [...]

Hambalyo Meher Wacan

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Gudoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika Kamaal Axmed Cali, Tafatiraha Wargeysa Geeska Afrika Maxamed Xuseen Ramboo, Gudoomiyaha Wargeyska Foore Maxmed Ilka-Case, Gudoomiyaha Wargeyska Saxafi Cabdifataax Maxamuud Caydiid, Tafatiraha Saxafi Mustafe Sheekh Cumar Geeddi, Tafatirada Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige, Tafatiraha Wargeysa Saxansaxo Saleebaan Ibaraahim Xaashi, Agaasmiha Talfishanka HCTV Maxmed Cabdi Sheekh (Ilig), Axmed Cumar Cadaani (Axmed Saafi) [...]

War Baa U Gaajo Badan!

Sunday, December 30th, 2012 Comments Off

Waa la isku raacsan yahay badi ba in warku maanta u dhigmo oo la maqaam yahay quutal daruuriga maalinlaha ah ee afka iyo gacanta aadanaha u dhexeeya, Soomaalida na waxa ba lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay quruumaha ugu warka iyo wacaasha jecel. Soomaalidu waa “war ku nool” baa la yidhaahdaa. Marka laba nin [...]

Guddoomiyeyaashii DALSAN iyo RAYS oo ka Hadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa kulan marti qaad ah oo uu u fidiyay afartii urur siyaasadeed ee ku hadhay tartankii Doorashadda Goleyaasha deegaanka waxa ka soo qeyb galay Gudoomiyeyaasha Urur siyaasadeedyadii DALSAN Iyo RAYS Ismaaciil Aadan Cismaan Iyo Xasan Gaafaadhi, halka labadii Urur siyaasadeed ee UMMADDA Iyo XAQSOOR aanay ka soo qeyb galin kulankaasi marti qaadka ahaa.

Golaha Wakiiladda Oo Ku Qancay Miisaaniyadda 2013-ka ee Wasiir Samaalle Horgeeyay

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)0Golaha Wakiiladda ee maanta ay mudanayaashu su’aalaha ku weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayay dhamaan Mudanayaashu ku bogaadiyeen wakhtiga uu Miisaaniyadda keenay, isla markaana waxay si isku mid ah ugu Hambalyeeyeen qaabka uu u soo dhigay oo aan hore loogu arag Miisaaniyadihii Dalka soo maray.

Murashax Hadhay Oo Ammaanay Hanaankii ay u dhacday Doorashadii Deegaanku

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Mid ka mid ah Musharaxiintii laga guulaystay ee Golaha Deegaanka Caasimadda uga sharaxnaa Ururka DALSAN oo hambalyo u diray golaha deegaanka cusub, isla markaana dardaaran ujeediyay musharaxiintii kale ee iyaguna ku hadhay tartankii doorashada.

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka jaray waddo Laami ah oo laga hirgeliyay xaafadda Daami

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo laami ah oo isku xidhaysa Xaafadaha Daammi,Sh Nuur ilaa Suuqa Dhexe ee Caasimadda Hargaysa, halka sidoo kalena uu Madaxweynuhu dhagax dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga yagleeli doono Xaafadda Daami.

“Marwadu Qaranka Waxba Imay Farin, Imana Fari-doonto” Wasiir Duur

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa(Somaliland.Org) -Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa ka jawaabayn eedayn uu u jeediyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo Arbacadii laga reebay diyaarad uu ka raacayay madaarka Berbera oo ku socotay magaalada Muqdisho, isagoo Mr. Cabdiqaadir ku eedeeyay wasiir Duur, inuu bixiyay in diyaaradda laga soo reebo.

Ururka Haweenka ee Badar wanaag oo lacag caawimo ah ugu deeqay Caruurtii uu ka baxay Mujaahid Fanax

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

"Waxa xaqiiqo ah in Mujaahid Fanax qoys aanu ka bixin ee uu ka baxay qaranka Somaliland" Suldaan Xiiray

Maayarka cusub ee Bali-gubadle oo xilkii la wareegay

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maayarka Cusub ee Degmada balligubadle Md Cabdi iimaan Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Mayorkii hore ee Degmadaasi Md Ibraahin Colaad. Munaasabad lagu qabtay Hotel Al-xayaat ee magaaladaasi ayaa waxaa ka qayb galay Gudooiyaha Gobolka Balligubadle Md Jamaal Hurre. Maayarkii hore ee Degmadaasi Md. Ibraahin Colaad. Ayaa uga mahadceliyey dadweynaha [...]

Gudoonka Waxbarashadda Buuhoodle oo ka warbixiyay xaaladda waxbarashada

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Buuhoodle Md Cabdirisaaq saleebaan Aadan (John) ayaa maanta ka warbixiyey xaaladda waxbarasho ee Gobolkaasi. Md Cabdirisaaq Saleebaan oo isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle u waramayey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in shaqaalahii waxbarashada ee Buuhoodle ay qayb ka mid ahi yimaadeen Magaalada Burco isla markaana ay hay’adda shaqaaluhu [...]

Rashiid Sulub: Shaqsiyadda Somaliland ee Sannadka 2012

Saturday, December 29th, 2012 Comments Off

By: Cabdirashiid Cali Sheekh, Jamhuuriya Copy Editor, Hargeysa, Somaliland.

Madaxweyne Somaliland Oo Caawa Kulan la Yeeshay sadexda Xisbi Qaran ee Soo Baxay

Friday, December 28th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa xarunta Madaxtooyadda casho-sharaf ugu sameeyay Hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee soo baxay KULMIYE, WADDANI iyo UCID.