Wasiirka Cadaaladda Oo Ka Hadlay Shir Caalamiya Oo uu Masar Kaga Qeyb galay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa dalka dib ugu soo noqdey, ka dib markii uu ka qeyb galay shircaaalami ah shan maalmood ka socdey magaalada Qaahira ee dalka Masar oo lagaga hadlayay maamul wanaaga iyo dimoqradiyada.

Wasiirka cadaaladda oo maanta ka soo dagay madaarka magaalada Berbera, ayaa warbaahinta uga waramay socdaalkiisa waxaanu yidhi “Waxaan ka soo noqdey shir magaalada Qaahira ka dhacay oo ka qeyb galay oo socday shan cisho. shirkaas oo lagaga hadlayay maamul wanaaga iyo dimuqraadiyada, wadamada ka soo qeyb galay ayaa u badnaa wadamada gu’ga carabtu (kacdoonaddu) saameeyey sidii maamulada cusub ay u sameyn lahaayeen.”

“ Maamul wanaag ayaa shirkaas lagaga munaaqashooday waxaanan uga waramay xaalada dalkeena iyo dimuqraadiyada iyo doorashooyinka dalkeena ka dhacay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Xuseen Axmed Caydiid oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi raaciyay “Shirkan Qaahira ee aan kaga qeyb-galay waxa soo qab-qaabiyey Hay’adda UNDP, Dowlada Somalilandna waa lagu macsuumay inay ka soo qaygaho.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com