“7-da Urur/Xisbi Ma Soo Wada baxayaane’ waa Inay Inta hadhaa Hambalyeysaa Saaxiibadooda Guulaystay”

“Urur ahaan waanu soo dhawaynaynaa Natiijadda Doorashadda”

“Xukuumaddu waxay ka dhabaysay inay qabsoonto doorashadda Deegaanku”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa caawa dhambaal Hambalyo ah u diray dhamaanba shacabka Somaliland, isagoo ugu hambalyeeyey sida Wanaaga iyo Nabadgelyada leh ee ay u dhacday doorashooyinkii Golaha Deegaanka oo ay hadda tirintoodii socoto,

Waxa kale oo uu shacabka uga hambalyeeyey siday uga qayb galeen, codkoodiina ugu dhiibteen si dimoqraadiyad ah.

“Waxaan shaki ku jirin in adduunku isha inagu hayo, loona kuur-gelayo qaabka doorashooyinku inoogu dhacaan, doorashadana waxaynu ku muujinay inaynu nahay Waddan aad uga horeeya Waddamo waaweyn oo Adduunka ka tirsan,”ayuu ku yidhi Guddoomiyuhu dhambaalkiisa, waxaanu intaasi ku ladhay “Waxaynuna tusaale u noqonaynaa horumarka Dimoqraadiyada Afrika maadaama aynu u codaynay si nabadgelyo ah, oo Cadaalad ku salaysan.”

Hoggaamiyaha Ururka WADDANI waxa uu xukuumadda Somaliland Uga mahad celiyay qabsoomida doorashadda oo uu tilmaamay inay ka dhabaysay balan-qaadkeedii doorashada ku wajahnaa. Waxa kale oo uu Guddoomiye Cirro u bogaadiyay ciidammadda nabad gelyadda oo uu ku sifeeyay inay si masuuliyad leh uga hawl galeen maalintii codbixintii doorashadda deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii bishan.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADDANI waxa uu u soo jeediyay asxaabta siyaasadda inay ku qancaan natiijadda doorashadda sida nabad-gelyada ah wadanka uga dhacday.

Waa hubaal inaysan 7-da Urur/Xisbi ee tartamayaa soo wada baxayn, balse 3 ka mid ahi soo bixi doonaan, kuwii hadhaa waa inay ku qancaan natiijada una hambalyeeyaan saaxiibadooda guulaystay, sidaas ayay ku jirtaa Waddaninimadu,”ayuu Md. C/Raxmaan Cirro ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.

“ Annagu haddii aanu nahay Ururka Waddani waanu u hogaansami doonaa natiijada kama dambaysta ah ee doorashada,”ayuu intaasi raaciyay.

“Waanu ku kalsoon nahay taageeranimadiina waxaanan rajeynaynaa ILAAHAY-na ka baryaynaa inuu doorashooyinkan inagu guuleeyo,”ayuu dhambaalkan lagu soo gunaanaday, waxaana uu ku baaqay in loo baahan yahay in horumarinta danta guud loo midoobo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com