Xukuumadda Somaliland Oo Baaq u Jeedisay Axsaabta Siyaasadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa hambalyo u diray shacabka reer Somaliland oo uu ku ammaanay sida Nabadgelyadda ah ee ay codkoodii u bixiyeen shalay.

Wasiirka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay inaanay jirin meel qudha oo ceebi ka timid.

“Waxaan ILAAHAY ugu mahadinayaa sida guusha ah ee maanta (shalay) doorashadu inoogu dhamaatay si nabad galyo ah, markaa waxaan leeyahay waxa qabsoomay wax weyn. waxa loo codeeyey natiijadeeddu soo bixi doontaa Goleyaasha deegaanka ee 21 degmo doorasho oo ku yaala goboladda iyo degmooyinka dalka,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Wasiir Duur waxa uu sheegay in dadweynuhu doorteen Goleyaasha deegaanka ee 21 degmo doorasho iyo sadexda xisbi qaran ee 10-ka sanadood ee soo socda.

“Goleyaal kheyr qaba ILAAHAY ha inooga dhigo, waxa loo codeeyey iyana saddexdii xisbi qaran ee siyaasada Somaliland hagi lahaa tobanka sanadood ee soo socda. xisbiyo hogaamiyaal fiican Alle ha inooga dhigo, waxa codku kala saari doonaa 2368 musharax, markaa waxa qabsoomay wax qaro yar may aheyn oo si nabada ku dhismay,”ayuu yidhi Wasiirku.

Md. Duur oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa hirgalay doorashdii shanaad ee golaha degaanka oo ka dhigaysa doorashdii labaad ee golaha deganka intaas oo howl ah ayaa dhacdey waa wax weyn oo dhismay siyaasad baa wax dhista is badaladaa wax dhista wax weyn ayaa maanta (shalay) qabsoomay. Hal goobi ma xidhmin, hal goob ahina ceebi kama ay iman dalka oo dhan dhamaan goobaha ama degmo degmo guul ayay ku dhamaatay, afar qof ayaa dalka oo dhan dhaawac gaadhey oo ku dhaawacmay afar degmo oo kala duwan, oo ay ku jirto hal dhaawac oo askari soo gaadhey oo ay soo weerareen meleeshiyadka dibad wareega ahi, waxaan leeyahay ciidanka iyo shacabka guul ayaa u soo hoyatay”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Duur, waxaa uu u soo jeediyey masuuliyiinta xisbiyada iyo ururrada inay hambalyeeyaan shacabka Somaliland isla markaana sugaan natiijada doorashada, waxaa sidoo kale masuuliyiintas uga digay inay hadalo gef iyo deel qaaf ku ah shacbiga codeeyey, waxanu yidhi wasiirku

“Shacabkii waa codeeyey si sharaf leh ayuu ku dhameeyey natiijadii uun baynu sugaynaa, hogaamiyayaasha ururada iyo xisbiyadda iyo murashixiintu ha sugaan natiijada hana u hambalyeeyaan shacabka,”ayuu yidhi Duur.

Wasiirku waxa uu baaq u jeediyay Axsaabta siyaasadda, waxaanu yidhi “Wax weyn ayaan u qabsoomay yaanay ka daba tuurin hadalo gef ah codka shacabku bixiyeyna ha aaminaan. wax danbe oo laga daba geeyaana ma hadhin, nin waliba hambalyo ha ku sagootiyo wixii shacabka natiijadiisa ka soo baxa.”

Wasiirku oo wax laga weydiiyay shaqaaqo ka dhacday degmadda Xudun, waxaanu yidhi “Doorashada deegaanku waa doorashadii ugu balaadhnayd waxaanay ka socotaa goobo aad u badan oo aanay doorashooyinkii hore ka dhicin oo ah Sool iyo Sanaag Bari.degmada Xudun waxay ka mid tahay degmooyinka aanay hore uga qabsoomi jirin doorashooyinkii hore, hase yeeshee sanadkan laga qabtay. Maadaama oo ay tahay goob cusub koox maleeshiyaad ah ayaa meelo soo tuur-tuuray. Laakiin may hakin doorashadii Ciidanka qaranka ayaana difaacay.”

Somaliland.Org/Hargeysa