Masuuliyiinta Komishanku Maxay ka yidhaahdeen Tirinta Cod bixintii Doorashadda?

Hargeysa (Somaliland.Org)-Iyadoo fiidnimadii xalay la soo gebagebeeyay codbixintii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland ayaa maanta waxa si habsami leh Gobolada iyo Degmooyinka dalka uga soconaya tirinta iyo isku dubbaridka Codadkii la dhiibtay.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka ee deegaanka Saylac Maxamed Xasan Axmed ayaa sheegay in 100% sanaaduuqdii codbixinta iyo shaqaalahii ka hawlgelayey ay dib ugu soo wada noqdeen Magaalada Saylac.

Xarunata Gobolka Awdal magaalada Boorame wararka aanu ka helayno waxa ay tilmaamayaan in sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolkaasi Axmed Xaddi Sidci ay dhamaan sanaadiiqdii doorashadu soo gaadhay xarunta gudida doorashooyinka ee Gobolkaasi.

Dhanka Magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo laascaanood ayaa wararku waxay sheegayaan in inta badan sanaaduuqdii codbixintu ay soo gaadhay xarumaha kala duwan ee gudiyada doorashooyinka Somaliland ay ku leeyihiin goboladaasi

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.org/Hargeysa