Komishanka Oo Ka Warbixiyay Sanaaduuqdii Codbixinta Awdal Halkay Marayaan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Afhayeenka komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Xirsi Geele iyo Gudoomiyaha Komishanka ee Gobolka Awdal ayaa ka warbixiyay halka ay maryaan sanaadiiqdii codbixinta ee 4ta degmo ee Gobolkaasi, waxana ay sheegeen inay si wanaagsan hawshaasi u socoto.

“Si wanaagsan ayay u soo xereedoon dhamaan sanaadiiqdii afarta degmo ee Gobolka Awdal, shaqaaluhu si wnaagsan ayay u hawl galeen, tirintu waxa ay ka dhacaysaa goobta, waxa cabasho ah waxa la isla imanayaa degmada, waxa la xalinwaayo ayaa gobolka loo soo gudbinayaa, sidaasi aawadeed hawshaasi si fiican ayay u socotaa,” ayuu yidhi G/Komishanka ee G/Awdal Cabdirashiid Xirsi Cali.

Sidoo kale Afhayeenka Komishanka Maxamed Xirsi Geelle ayaa sidan xaqiijiyay waxana uu intaasi raaciyay in dhamaan doorashadu ay si fiican u dhacday, waxana uu u mahadnaqay gabi ahaanba dadkii ka qayb qaatay qabsoomideeda.

Mar wax laga waydiiyay waxa ay ku xaliyeen cabashooyin ka imanaya dhinaca axasaaba mucaaridka ayaa waxa uu yidhi “ Way jiraan cabashooyinkaasi oo aad ayay u buun buunsan yihiin, waan ka daba tagnay waxana ay u badan yihiin 90% kuwo beenoobay oo aan xalinay way jiraan cabashooyin muhiim ahi, kuwaasna xal ayaan ka gaadhaynaa.”

Afhayeenka Komishanku waxa uu ka gaabsaday inuu wax faalo hordhac ah ka bixiyo natiijada doorashada, waxana uu yidhi “Way adagtay inaan natiijo sheegno sababta oo ah hawshu doorashadau waxa ay u dhacday si bilaa diiwaann galin ah, waxa aan hubsanaynaa inta guud ee codaysay, waxa aan la kulmaynaa axsaabta iyo ururada madaxdooda, markaasi ka dib ayaan ku dhawaaqaynaa natiijada, waxana ay qaadanaysaa maalmo.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame