Ifafaalaha Guusha KULMIYE Ee Doorashadda Deegaanka iyo Qodobadda Sababay

Dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolladda iyo degmooyinka dalka, ayaa mar kale sanduuqa codbixinta doorashaddii deegaanka ku muujiyay kalsoonidda iyo hanka ay u hayaan xukuumadda afraad ee Somaliland ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Inta Badan 23-ka degmo doorasho ee ay ka qabsoontay doorashadii labaad ee Dawladaha hoose ee 28-kii bishan ka dhacday wadanku, waxa saadaal togani uga soo baxday xisbiga talladda haya ee KULMIYE oo la soo wariyay inuu badi hoggaaminayo goboladii iyo degmooyinkii codadkii laga dhiibtay la tiriyay.

Waxa tibaaxaha hordhaca ahi sheegayaan in xisbiga KULMIYE yahay ka kaliya ee 7-dii urur ee tartamayay illaa imika la isku waafaqay inuu dur-duro kaga soo baxay oo uu ka mid noqon doono sadexda xisbi qaran ee dalku yeelan doono tobanka sanadood ee fooda inagu soo haya.

Waxyaabaha xisbiga KULMIYE u sahlay inuu difaacdo xisbinimadiisa waxa ka mid ahayd, waxqabadka xukuumadda laba Jirka ah ee Madaxweyne Siilaanyo oo codbixiyeyaasha u cuntantay iyo masuuliyad dheeraad ah oo xisbigu iska saaray xulista xubnaha Goleyaasha deegaanka ee 23-ka degmo doorasho oo ay u soo naqeeyeen murrashaxiin istaahila aqoon ahaan iyo waayo-aragnimaba inay u shaqeeyaan magaalooyinka waddanka.

Qodobadda KULMIYE Saaciday

Waxa ka mid ah waxyaabaha KULMIYE u soo jiiday codbixiyeyaasha in xukuumadda maanta dalka ka jirtaa ay tahay mid go’aan adag ku qaadatay inay balaadhiso saaxadda tartanka siyaasadda ee bulsho weynta oo furtay in ururro siyaasadeed oo cusubi dalka ka tisqaadaan.

Waxa kale oo dadweynuhu ay ku go’aan qaateen waxqabadka xukuumadda dhexe oo dhawr iyo labaatankii bilood ee ay xilka haysay fuisay mashaariic badan oo wax lagu horumarinayo adeegyadda bulshadda, shacbiguna doonayaan in xisbiga KULMIYE uu la wareego badi maamulka magaalooyinka wadanka si ay isula jaan-qaadaan xawaaraha shaqada dawladda dhexe iyo dawladaha hoose.

Ahmiyadda Guusha doorashadu u leedahay xukuumadda
Xukuumadda Somaliland waxay sii dar-dar gelinaysaa adeega ay u hayso bulshadda, ka dib marka ay yaqiinsato in taageerada ay ka haysato dadweynuhu ay tahay mid weyn oo u baahan in laga sii shaqeeyo sidii loo kasban lahaa.

Si kastaba arrintu ha noqotee waxaan shaki ku jirin in guusha xisbiga KULMIYE uu gaadho doorashadan codbixinteedii la tirinayaa ay noqon doonto mid wax badan ka bedasha adeega dawladaha hoose ee dalka oo ay xukuumadda dhexe dhiili jirtay intooda badan una arkaan inay ka baaqsadeen Goleyaashii deegaamadda ee hore horumar ay ka samayn lahaayeen dhinacyada bilicda magaaladda, xaslashada fayo-dhawrka iyo samaynta waddooyinka magaalooyinka dhexdooda.

Ismaaciil Cabdi Cumar