Hambayo Ummadda reer Somaliland

Asalaamu Caleykum,

Aniga oo ka wakiil ah Shaqaalaha xukuumadda iyo jaalliyadda reer Somaliland ee ku sugan dalkan Britain waxan halkan hambalyo iyo bogaadin u marinayaa shicib weynaha reer Somaliland iyo dawladdeenna, anigoo ku bogaadineya kuna hambalyeynaya sidii waddaniyaddu ku dheehnayd ee ay shalay (28/11/12) u guteen waajibkii qaran uguna hiiliyeen qaddiyaddooda markii ay sida sharafta iyo bisaylka qarannimo ku dheehan tahay u codeeyeen doorashadii Dawladaha Hoose ee dalka.

Waa markhaatigii u dambeeyey ee aynu u bandhigno caalamaka 21-ka sano ka indho qarsanayay aqoonsiga aynu xaq u leenahay. Waxanan hubaa inay tahay dhacdo kale oo badhi-taaraysa raadinta himiladeenna godol qaadday Inshallaah.

Waxan ugu baaqayaa dhammaan xisbiyada iyo ururradii u tartamay doorashadu inay si waddaniyadi ku dheehan tahay uga war-sugaan natiijada ay Komishanka qaranku soo saari doonaan, waana aynu wada guuleysannaye inta xilka EEBBE u qadderana ha loo wada hambalyeeyo.

Wa billaahi tawfiiq,

Ali A Awale Wakiilka Somaliland ee Britain