Faysal Cali Waraabe oo sas iyo Rajo beel ka muujiyay hanaankii doorashadu u qabsoontay

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sas iyo rajo xumo ka muujiyay hanaankii shalay doorashadu dalka uga qabsoontay, waxaanu sheegay inay dadku ku celceliyeen codadka, iyagoo adeegsanaya qaabab ay iskaga maydhayaan khadkii farta laga mariyay.

Guddoomiyaha ayaa siduu hadalka u dhigay rajo la’aan ka muujiyay inuu xisbigiisu ku soo baxo doorashada, waxaanu sheegay inay jirto ku celcelin badan oo dadweynuhu codadka ku noqnoqdeen.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa eed ujeediyay Komishanka Doorashada, kuna tilmaamay inay masuul ka yihiin nidaam-xumo uu xusay inay ka dhacday doorashada dhexdeeda.

“Nasiib darrada inagu dhacday waxa weeye khadkii dadka loo galinayay farta iyo kii lagu baabiinayay ayaa isku diyaarad la socday, markaasaa suuqa la galiyay oo la iibiyay oo asxaabta iyo ururrada laga iibiyay, waxaana dusha laga saarayaa masuuliyaa komishanka, markaa waxa weeye doorasho loogu tallo-galay inay mid nidaam leh oo xalaal ah doorashadani maaha, waa doorasho loogu talogalay in la is-boobo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dhamaan masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ayaa ku tilmaamay doorashadu inay u dhacday si habsami ah, balse hadalka guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa u muuqda mid rajo beel ah oo xisbigiisa ka qabo inaanu ku soo baxayn doorashada shalay guud ahaan dalka looga dareeray.

Somaliland.Org/Hargeysa