Badhasaab Ku xigeenka Maroodi Jeex Oo Bogaadiyay shacbiga Gobolka

Harrgeysa (Somaliland.Org)-Ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ahna ku simaha Badhasaabka Rashiid Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray shacabka Gobolka Maroodi Jeex doorkii ay ka qaateen habsami u qabsoomidda doorashadii maalintii shalay ka dhacday Dalka Somaliland.

Badhasaab Ku xigeenku waxuu si gaar ah u soo qaatay hanaankii nabadgelyada iyo xasiloonaida ahaa ee ay ku codeeyeen dadweynaha Gobolka Maroodi-Jeex iyo guud ahaan bulshada Somaliland, halka sidoo kalena uu ugu mahadnaqay ciidamada ammaanka oo uu sheegay inay qayb libaax ka qaateen hawshii doorashada si weyna u guteen waajibaadkoodii qaranimo.

Dhanka kalena ku simaha Badhasaabku waxuu u mahadceliyey murashixintii tartanka ka qayb qaadanayey oo uu sheegay inay muujiyeen xilkasnimo dheeraad ah waxuuna u jeediyey inay aqbalaan natiijada kama dambaysta ah ee doorashada oo musharax kastaa calafkiisa ka qaadan doono.

Sidoo kalena Caaqil Axmed Yuusuf Jaamac (Caaqil Xanash) oo u hadlay cuqaasha Gobolka Maroodi-Jeex ayaa mahadcelin u jeediyey wasiirka arimaha gudaha iyo ku simaha badhasaabka G/M/Jeex qabanqaabadii ay ka sameeyeen doorkii ay wasaarad ahaan ku lahaayeen qabsoomidda doorashooyinka deegaanka gaar ahaan dhinaca amniga iyo isu socodka gaadiidka.

Somaliland.org/Hargeysa