Gudida Doorashooyinka : “Doorashaddii Goleyaasha deegaanka oo caawa xidhantay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay si habsami ah, isla markaana nabadgelyo ah ku dhamaatay doorashadii Maanta guud ahaan dalka ka qabsoontay.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Xamari oo caawa fiidkii la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in guud ahaan doorashadii goleyaasha deegaanka ee Maanta dalka looga dareeray ay si habsami ah u dhamaatay, markay saacadu ku beegnayd lixdii fiidnimo ee caawa.

Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inay rajaynayaan in natiijadu si wanaagsan u soo ururi doonto, isla markaana ay musharaxiintii tartamayay aqbali doonaan.

Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Doorashadii oo maanta si wanaagsan inoogu soo gabgabawday, waxa weeyaan 28-kii bishii 11aad 2012-ka doorashadii goleyaasha deegaanka oo ku soo gabagabawday si nabadgelyo ah, waxa Illaahay mahadii ah sidii fiicnayd ee ay maanta inoogu qabsoontay, kolay doorasho kasta oo timaadana casharo ayaynu ka baranaa, si wacan ayay guud ahaan inoogu soo dhamaatay, sidaa wanaagsan ayay natiijaduna kusoo ururi doontaa,”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay filayaan in musharaxiinta tartamayayna ay aqbali doonaan natiijada uu Komishanku soo saaro. “Xildhibaannadii sharaxnaana ku aqbali doonaan, mar hadii saacadu lixda gaadho kuyuuga xaga dambe ayaa laga xidhayaa inta safka ku jirtana waa loo dhamaystirayaa, sidaas ayayna doorashadii inoogu soo dhamaatay.”

Somaliland.Org/Hargeysa