Codbixinta Doorashadda Deegaanka oo si Nabdoon uga Socota Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)-Codbixinta doorashadda Goleyaasha deegaanka ayaa saaka si rasmi ah oo nabad-gelyo ah uga bilaabantay goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo dhan. Waxaana Goleyaasha deegaanka ku tartamaya laba xisbi iyo shan urur siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyadda, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka abaaro 8:20 waxay ka codeeyeen goobta koowaad oo ku taalla xarunta Ha’yadda shaqaalaha dawladda.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashadda deegaanku dalka uga qabsoonto si nabad-gelyo ah.


“Saaka codkii aan xaqa u lahaa ayaan ka dhiibtay goobtan. Inshaalaahu Tacaalaa waxaynu rajaynayaa in ILAAHAY ummaddeena iyo dalkeena guul uga dhigo doorashadan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa saaka ku jarmaaday goobaha codbixinta doorashadda deegaanka, waxaanay sufuuf dhaadheer ugu jiraan sidii ay u soo dooran lahaayeen xubnaha Golaha deegaanka.

Geesta kalena sida ay ku soo waramayaan Weriyeyaashayadda ku kala sugan magaalooyinka waaweyn ee dalku waxa saaka abaaro 7:00 subaxnimo si rasmi ah uga bilaabay goboladda iyo degmoouyinka dalka codbixinta doorashada Goleyaasha deegaanka oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee ka qabsoonta Somaliland.


Ma jirto wax dhibaato ah oo ka dhacday doorashadan, marka laga reebo goobaha qaarkood oo muddo dib uga yara dhacay wakhtigii ay furi lahaayeen.
Codbixinta doorashada Goleyaasha deegaanka ayaa socon doonta muddo 12 saacadood ah, waxaanay xidhmi doontaa 6:00.
Inta badan meheradaha Ganacsiga ayaa maanta xidhan, dadweynuhuna waxay fasax ka yihiin goobaha shaqadda iyo dugsiyadda waxbarashadda.

Waxa iyadana aan saaka jirin wax dhaq-dhaqaaq Gaadiid ah marka laga reebo baabuur ay komishanka iyo axsaabta siyaasaddu wataan oo la siiyay numbaro taarikooyin gaar ah.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com