Xukuumadda Somaliland Oo Farriin Nabadgelyo dadweynaha u marisay Telefoonadooda Gacanta

Hargeys(Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta farriin iyo baaq nabad-gelyo oo la xidhiidha doorashada Goleyaasha deegaanka ee maalinta beri ka dhacaysa dalka u dirtay dadweynaha.

Waxa sidaasi lagu sheegay farriin kooban oo Wasaaradda Arrimaha guduhu u marisay dadweynaha Shirkadda TELESOM. “Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay dadweynaha reer Somaliland dhamaantood ka codsanaysaa inay nabadgelyo ku codeeyaan. Nabadgelyadana ilaashadaan,”ayay u qornayd Farriintii Wasaaradda Daakhiligu.

waxa maalinta Arbacadda Beri dalka ka qabsoomaysa doorashadii labaaad Goleyaasha deegaanka, iyadoo doorashadii hore ee Dawladdaha Hoose wadanka ka qabsoontay 15-kii Bishii December 2002.

sidoo kale, waa doorashadii shanaad ka dhacda Somaliland tobankii sanadood ee la soo dhaafay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com