Shacabka waxaan uga digayaa nin ubadkiisii qurbaha yaalaan inuu fidma geliyo oo danahoodda baabiyo

Waxaan berito waaberigga aan gelidoonaa maalin taariikhiya oo shacab weynaha reer Somaliland qayb ku suntan noqon doonta geedi socodka iyo sooyaalka taariikhda dalkan Jamhuuriyadda Somaliland leeyahay. Waxaynu dhamaanteen u dareeri doonnaa goobaha cod bixinta iyo xildhibaanadda aan codkeenna siinayno inagoo farxad iyo rayn rayn weyn ku jira oo ubax isu dhiidhiibayna dhamaanteen urur kastaynu nahay, waayo waxaynu fursad qaaliya u helay in aan codkeenna dhiibano oo si xora oo xalaala doorasho uga dhacdo dalkeenna guud ahaan, doorashadan oo go’aamin doonta citiraaf helidda iyo buuxinta shuruudaha dalkan looga baahanyahay oo bulshadda caalamku ay isha berito aad ugu hayaan.

Diblamaasiyiinta kala duwan ee bulshadda caalamka ayaa berito dareen iyo indho furan ku eegaaya doorashadda Golaha Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalkeenna si hufan oo haboon uga dhaqan geleysa, waxaanna si sidaasi la midda oo aad uga sii weyn u milicsanaaya hawlaha Doorashadda Somaliland, wadamadda Afrika gaar ahaan kuwa aan danwadaagta weyn leenahay ee geeskan Afrika oo markasta aad u daneeya deris wanaagga, wadda-jirka iyo xasiloonidda gobolka oo cid walba iyo nool kasta maslaxadiisa nololeed ku jirto.

Xasilooni haddii la waayo oo noolahu ku dhaco xaalad dagaal, fadqaladdo iyo nabadgelya xumo nololi jiri mayso oo iskuul, caafimaad, ganacsi iyo dhamaan arimaha asaaska u ah noolaha meesha wey ka baxayaan. Markaa waxaan ka codsanayaa oo aan ku boorinayaa dhamaan hormoodka iyo masuuliyiinta Ururadda Siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka inay muujiyaan masuuliyad weyn iyo taxader aad u balaadhan oo lagaga dheeraanaayo nooc kastaa oo rabshadda ama xaalad abuur ummadda lagu waasiinaayo nabadda iyo caanaha weyn ee maanta ay haystaan oo wax loo dhigaa aanu jirin. Hormoodka Ururadda Siyaasadda waxaa saran masuuliyad aad u balaadhan oo ka culus midda saran shaqsi kasta oo caadiya. Markaa waxaan aad iyo aad ugu adkaynayaa in hab xora oo xalaala aan waajibaadkeenna u gudanno oo waxii tabashaa ama aan haboonayn toosindoodda aan u marnaa hab ama qaab qaangaadha oo samaha iyo sinaantu ku dheehantahay.

Berito marka aan u dareero goobaha cod bixinta ee aan si hufan ugu kala calaf qaadno, ninna waxuu noqonayaa mid Siyaasadda Somaliland ee curdinkaa door weyn iyo qayb libaax mustaqbalka ku leh, ninna waxuu noqonayaa mid noqda qaalin buubaalla oo caadaddii iyo ceebtii lagu yaqaaney ee dhibi isku dhamooqa ahayd ayuu bulshadda la dhex cararayaa oo been, belaayo iyo waxaan jirin ayuu aloosayaa, waayo (Bahala ceedhin ma daayo nin caadaddii ma baajiyo). Laakiin dadku waxay odhan doonaan Waar iska daaya waa ninkii raacigga ahaa ee la odhan jirey (Cumar beenaale) Ninkaasi oo ku qaylin jirey hayaay waa Waraabe. Markaa manta shacabka maha in lagu dhaawaco dareenkoodda, farxadda, yididiiladda iyo ahmiyadda doorashaddu inoo leedahay ee mahiimka, lamina rabo hayaay waa nala boobay iyo qoraxdii ayey kululeeyeen.

Shacabka xalaashaa ee reer Somaliland berito waa maalin weyn oo magac iyo maamuus qaangaadha ku leh taariikhdeenna, markaa waxaa loo baahanyahay in aan hakino oo joojino ninkii iyo ruuxii xumaanta iyo xaqdhowr la,aantu shaqsiyadiisa ku lamaantahay oo shacabka reer Somaliland idilkiisba waa inuu u deg deggaa samaha iyo wanaagga si aan dhaawac iyo dhib u soo gaadhin maslaxadda iyo nidaamka nololeed ee dadka masaakiintaa . Shacabku waa inay ilaashadaan nabadoodda, xasiloonidoodda iyo nidaamka fiican ee maanta aan ku noolahay. Waxaan shacabka leeyahay ha eeganin oo ah maqlin nin intuu fidmo iyo dhibaato ku geliyo berito dalka iskaga dhaafa oo ubadkiisii iyo danahiisii ay debedda ama qurbaha u yaalaan. Dhamaanteen waxaynu ka wadda mid noqonaynaa sadexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland yeelan doonto ee soo hadhaaya, markaa waa in dhamaan aan isku ixtiraamnaa doorka doorashadda beri, waana in aan ilaashanaa jiritaanka Midnimadda, Sinaanta iyo Cadaaladda Qaranka Somaliland.

( Aan manta berito go,aamino)

Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool/UK