Nabad Ku Codeeya: Nabad! Nabad! Nabad!

Maalinta Arbacada ah ee Barrito oo Bishan aynu ku jirnaa ay tahay 28ka November ayay mar kale dadweynaha reer Somaliland u dareerayaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay ku dooran doonaan xildhibaanada ay u diranayaan inay u adeegaan shanta sanadood ee soo socda.

Maalinta doorashadu ay dhacaysaa waa maalinta uu muwaadinku leeyahay awoodda ugu culus ee uu codkiisa ku dooran karo qofka uu u arko inuu gudan karo waajibka Qaran ee laga filayo, waana maalinta uu codkiisa ku kala saari karo ururrada u tartamaya inay noqdaan kuwa u gudba Xisbiyo Qaran.

Muwaadinka Qaaliga Ahoow

Dalkeena Hooyo waxa uu soo maray jid aad u dheer, dadweynaha reer Somaliland ee Geesiyaasha ahina waxay ka soo gudbeen caqabado aad u badan oo soo waajahay tan iyo intii aynu la soo noqonayay Madaxbanaaniada qarankeena sanadkii 1991kii iyo intii ka horraysayba.

Mudada uu Qaranka Somaliland jiray waxaynu dib u dhisnay Dalkeenii, waxaynu walaalaynay dadkeenii, waxaynu samaysanay Nabadgelyo taam ah, waxaynu dhisanay Dawladnimadeenii, waxa aynu dhidibada u taagnay adeegyadii Waxbarasho, Caafimaad iyo maamul ee burburay, waxaana aynu dalkeena u dhisnay Ciidamo Nidaamsan oo quwad leh oo hantay Ilaalinta Aamaanka dalka gudihiisa iyo suguida Xuduudaha dalkeena.

Dadweynaha reer Somaliland waxa kale oo ay Qarankooda ka hirgaliyeen Nidaam dimuqraadi ah oo dadka xilka qaranka qabanayaa ay ku yimaadaan doorasho dadweyne, kuwa xilka laga helaana ay u wareejiyaan si niyad sami ah, waxaynu dhisanay Qaran uu siyaasiga doorasho lagaga helaa uu hambalyeeyo ka guulaysta, waana mid ay ay reer Somaliland dheer yihiin waddamo badan oo dunida ah oo inta badan ay gacan ka hadal iyo dagaalo ku gunaanada doorashooyinkooda, Allah mahadi haka gaadhee reer Somaliland waa muwaadiniin garaadkoodu sarreeyo oo ogsoon in danta qarankoodu ay ka weyn tahay danta Siyaasiga.

Muwaadiniininta Qaaliga Ahoow

Waxaad maanta haysataan fursad kale oo aad ku soo saartaan Saddex Urur oo noqda Saddex Xisbi Qaran kuwaas oo raad weyn ku yeellan doona nolosha dhaqan dhaqaale ee muwaadin kasta, waxaana looga baahan yahay in muwaadin kastaa uu codka uu bixinayo ku hubsado Murashaxa iyo ururka uu tuhmayo inuu Qarankeena barwaaqo iyo horumar gaadhsiin karo, kana midho dhalin karo rabitaanka iyo yuhuunta shacbiga.

Waxaa muwaadin kasta looga baahan yahay inuu noqdo askari foojigan oo indhaha ku haya ilaalinta Amaanka dalkeena, waa in dhamaanteen aan noqonaa kuwo ka qayb qaata ilaalinta nabadgelyada, kana hor tagnaa wax kasta oo wax u dhimaya Nabadgelyada iyo wadajirka bulshadeena, waxaa laga rabaa in muwaadin kastaa uu gacan siiyo ciidamada Boliska iyo laamaha amaanka ee kala duwan.

Dadweynaha reer Somaliland waxaa waajib ku ah inay mar walba ogaadaan inaynu leenahay Cadow mar kasta u Rabbi tuugaya in aynu fashilano oo ay kala dhantaalanto himilada Qarankeenu, cadawgeenu waxa uu isku dayay talaabo kasta oo ay jilaafo ugu dhigi karayeen qarankeena. Dibindaabyooyinkaas Siyaasiyeed, Dhaqaale iyo Amni ee ay cadawgeenu inoo dhigayeen mudadii uu Qarankeenu jiray waxaynu kaga soo gudubnay Samir, Isku Duubni, Midnimo iyo isku kalsooni, waana dariiqa ay guusha ku gaadhay Somaliland, maalinba maalinta ka danbaysa waxaynu gaadhaynaa Horumar iyo Barwaaqo taasoo dhimbiil dab ah ku ah cadawgeena. Doorashooyinka dalkeenka lagu qabto iyo dimuqraadiyada wadankeena ka hirgashay waxay argagax ku ridaa kaligood taliyayaal badan oo ka arrimiya wadamo badan oo Afrika ah, waxaanay ka werwer qabaan Dimuqraadiyada Somaliland ka hir gashay inay khatar ku tahay Kuraastooda, sidaas darteed waxaa haboon in dadweynaha reer Somaliland niyada ku hayaan inaynu leenahay cadaw balaadhan oo dhan kasta ah, lagama maarmaana ay tahay inaynu ka foojignaano dhibtooda.

Ciidamada Qaranka, Booliska iyo Laamaha Amaanka

Waxaad tihiin Geesiyaaasha aanu ku dhaadano, ku faano, ee aanu ku seexano, waxaad tihiin Jirridaha uu Qaranka Somaliland ku taagan yahay, waxaa waajib idinku ah inaad dedaal dheeraad ah la timaadaan mudada ay Cod bixinta iyo hawlaha doorashadu ay socdaan, waxaa lagama maarmaan sidii caadada idiin ahayd inaad Dhabarka ka jabisaan Cadawga Somaliland ee soo farogaliya arrimaha gudaheena ama isku daya inay wax yeello u geystaan nabadgelyada dalkeena, waxaa idinku waajib ah inaad gacmaha goysaan Cadow kasta oo isku soo daya inuu soo faro galiyo Xuduudaha Dhuleed, Cireed iyo Badeed ee Somaliland, Shacbiga reer Somaliland wuu idiin han weyn yahay, wuu idinku faanayaa , waanuu idin garab taagan yahay mar kasta.

Gudiyada Doorashooyinka Qaranka

Waxaa Qarankani uu idiinka fadhiyaa inaad noqotaan qaar si Cadaalad ah u shaqeeya oo aan ku milmin ururrada Siyaasada iyo Xukuumada toona, shacbiweynaha reer Somaliland waxay idinku qabaan kalsooni buuxda, waxaanay idinka filayaan inaad si cadaalad ah oo sax ah u gudataan waajibka Qaran ee idin saaran, Ogaada Kitaabkii Quraanka ahaa ee gacanta la idiin saaray, sidoo kale ogaada in dhamaan Ururrada tartamayaa ay yihiin Walaalo reer Somaliland oo kii soo baxa iyo kii hadha toona aanay khasaarin ee ay dhamaantood yihiin qaar jecel wanaaga dalkooda, waxaa markaas la idiinka fadhiyaa in aydinaan kala jeclaysan oo aydinaan u kala eexan ururrada tartamaya.

Ururrrada Siyaasada ee Tartamaya

Waxaan shaki ku jirin in dhamaantiin aad tihiin muwaadiniin reer Somaliland oo doonaya Horumarka Dalkeena hooyo, waxa Urur kastaa uu doonayaa inuu ka sii Qurxiyo oo uu ka sii hogaamin fiicnaado Xisbiga talada haya, ma jiro Urur ama xisbi raba in dalkeena horumarkiisa iyo nabadgelyadiisu ay hoos u dhacdo, hadaba waxaa idinku waajib ah in aad taageerayaashiina ku adkaysaan ilaalinta Nabada iyo u hogaansanaanta Sharciga, Waxaa kale oo idinku Waajib ah inaad u hogaansanaataan oo aad aqbashaan natiijada kasoo baxda Doorashada, dadweynaha reer Somaliland waxay idiinka fadhiyaan in aad Caalamka tustaan in Dimuqraadiyada Somaliland ay tahay mid Jirrido adag ku taagan oo ay is gacan qadaan isuna haneeyaan ka hela iyo ka laga helo doorashadu, ma jirayo xibsi guul darraystaa ee waxaa Guulaysanaya Somaliland oo Dhan.

Guul iyo Gobanimo

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com