Hogaamiyahii hore ee falastiin Yasser Arafat oo maydkiisii dib loo soo faqay!!!

Somaliland .org : Waxaa xabaasha laga soo faqay qaybaha ka hadhay maydkii hogaamiyahii hore ee Falastiin Yasser Arafat, sidaasi daraadeed khuburadda caalamiggaa ee baadhitaanadda qotadda dheer ku lugta leh ayaa raadinaaya calaamaddo dheeraadda oo sababay dhimashadiisa, waxaa sidaasi yidhi saraakiil reer Falastiinna.

Hadhaaggii jidhkiisa ayaa laga soo saaray oo weliba laga qaaday Daanta Galbeed ee Caasimadda Ramallah, halkaasi oo Arafat ku aasnaa, waxaanna la keenay masaajid agtiis, halkaasi oo dhakhaatiirta reer Falastiin ay ka qaadeen muunaddo lafahiisa, saraakiisha reer Falastiin ayaa sidaasi ku waramay. Dhinaca shareecadda Islaamka, qof muslin ah oo keliya ayaa maamuli kara qof muslina hadhaagga meydkiisa.

Muunahadaasi laga qaaday hadhaagga meydka ayaa loo gudbin doonaa khuburadda Faransiiska, Swiss iyo Ruushka , kuwaasi oo baadhitaanno caalamiya ku samayn doonna dalkoodda, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha reer Falastiin, waxayna sheegeen in wakhti hore muunadaasi oo kale laga qaaday Sariirtii Arafat, dharkiisii iyo waxii uu lahaan jirey ayey yiraahdeen. Baadhitaanka cusub ee dhimashaddii Arafat ayaa tilmaamaysey ogaansho la ogaadey horaantii sanadkan in dhimashadiisa ay sababtay walaxda loo yaqaanno (Radioactive) polonium oo dharkiisa laga helay, taasi oo Arafat uu u geeryoodey sanadkii 2004 dhakhtar ku yaalla Faransiiska oo mulateriggu leeyahay, kadib markii bil uu hayey xanuun soo ridey.

Xanuunkaasi oo loo malaynaayey sababid cudurka qalalka oo deg degga. Laakiin ilahani waxay hoosta ka xariiqeen in aan la helin waxii ku dhacay asbuucyaddii ugu danbeeyey. Waxayna si joogtaa mala awaalku u sheegayaa oo dunidda carabtu leedahay Israa,iil ayaa sumaysay. Wadanka Israa,iila waxuu dafiray deedaymaha noocanna. Hadaba soo faqitaanka meydkaasi ayaan laga yaabin inuu xaliyo dhibkaasi, polonium-210 si deg degga ayey u qudhuntaa, waxayna sheegeen khuburadda qaar, ma cadda haddii hadhaagaasi muunadda laga qaaday inuu ku filanyahay baadhitaanka.

Source: MSN
Soamliland.org news desk