Hal Qof Oo ku dhintay Dad shacab ah oo ku qamaamay Sanaaduuqda Doorashadda Lughaya

Lughaya (Somaliland.Org)- ALLE ha u naxariistee waxa saaka ku dhintay Magaaladda Lughaya ee gobolka Awdal Marxuum-Jicimbir Daahir Taraafig, ka dib markii askari ilaalinayay sanaaduuqda Komishanka ee degmaddu uu rasaas ku furay dad ku qamaamay goob la dhigay agabka doorashadda.

Sidaasna waxa shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Weriyeyaal ku sugan magaaladda oo gaadhay goobta dilku ka dhacay.
Laba qof oo kale oo mid dhaawaciisu culus yahay ayaa iyaguna ku dhaawacmay rasaastaasi.

Siday wararka ka imanaya magaaladda Lughaya sheegayaan waxa khasaarahani ka dhashay markii dad badan oo shacab ahi ay ku qamaameen goob la dhigay sanaaduuqda Doorashadda deegaanka, kuwaasi oo shaqaalihii Komishanka ka dalbanayay inay qeybiyaan sanaaduuqda oo ay goobo kala duwan geeyaan. Taasna ay diideen hawl wadeenaddii komishanku, ka dibna askarigaasi ayaa rasaas uu doonayay inuu ku kala kaxeeyo ku riday dadkaasi ku qamaamay goobtaa. Hase yeeshee ay rasaastaasi ku dhacday sadexdaasi qof oo midina dhintay labana dhaawacmeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com