Guddoomiye Ku xigeenkii XAQSOOR Ee La Afduubay Oo Saaka Waabarigii soo Gaadhay Laascaanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ahna Murrashaxa madaxweyne Ku xigeenka ee Urur-siyaasadeedka XAQSOOR Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) oo ay shalay galab koox nabad diid ahi ka afduubeen jiida u dhaxaysa deegaammadda awr-boogays iyo Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool, ayaa la soo daayay xalay niskii dambe, waxaanu saaka waabarigii soo gaadhay magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Guddoomiye Ku xigeenka XAQSOOR oo la sheegay in kooxaha afduubay isaga 10 xubnood oo kale weheliyay waxa shalay afduubay koox nabad diid ah oo watay baabuur Tikniko ah, waxaana wada hadal ka dib ay sii daayeen xalay saqdii dhexe.

Md. Cali Sandulle waxa uu hadda ku sugan yahay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood halkaasi oo uu ku sugnaan doono illaa maalinta beri oo loo dareerayo doorashadda Goleyaasha deegaanka dalka.

“Waan bad qabnaa waxaanan ku sugan nahay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, aniga iyo weftigaygaygiiba waxaanan soo gaadhaynay saaka waabarigii. waan daalan nahay shirarna waan ku jiraa intaasi uun baan kuu sheegi karaa hadda,”ayuu yidhi Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle).

Cali Sandulle waxa uu hore dalka uga soo qabtay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Badhasaabka Gobolka Sool iyo Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiiladda.

Somaliland.Org/Hargeysa