Dakhtarkii ugu horeeyey ee sameeya in dadka unugyadda jidhka loo kala bedelo oo geeriyoodey

USA (Somaliland org) Dakhtar Joseph Murray oo ku takhasusay dhinaca qaliinka, isla markaasina ahaa ninkii ugu horeeyey ee ku guulaysta in beeritaanka ama ku abqaalidda unug qof leeyahay qof kale oo weliba ku guulaystey Abaal marinta weyn ee loo yaqaanno Nobel Prize ayaa Isniintii ku geeryoodey Dhakhtarka Boston oo ahayd halkii dhakhtarkaasi ka shaqaynaayey intii noloshiisa oo uu ka fuliyey hawla caafimaad oo aduunka waxtar weyn u yeeshay, waxayna dadda dhakhtarku ahayd ilaa 93. Hadaba Dr Murray ayaa geeryoodey kadib markii uu xanuunka qalakii (Stroke) uu ku dhuftay khamiistii la soo dhaafay.

Murray iyo kooxdiisii dhinaca caafimaadka ayaa sanadkii 1954 sameeyey beeritaan ama gelin unugga kelidda la yiraahdo bukaan. Kadib markii laba mataan oo kuwa aan la kala garan ah uu keli u kala saaray, halkaasi oo mataankii uu kelidda geliyey uu sii noolaa ilaa iyo sideed sanadood oo danbe. Dhakhatar Murray ayaa dhinaca xaafimaadka hawlo badan ka hirgeliyey oo ay ka mid tahay dhinaca difaaca jidka ee bukaanka (Immune) in aanu diidin unug kale oo qof kale laga soo jaray.

Ugu danbayntii waxuu wax ku yeeshay Abaal marinta Dhinaca caafimaadka sanadkii 1990. Waxaa helay unug gelin aduunka oo dhan 600,000 tan iyo intii uu soo saaray aqoontan Dr Joseph Murray. Hadaba Unugyadda qaybaha jidhka ee laysi siiyo ayaa maanta duniadan aan ku noolahay aad uga caanna ama aad looga isticimaalaa, isticimaalkaasi oo ah aqoon iyo cilmi ay markii hore caalamka ku soo kordhiyeen sidda DrJoseph Murray.

Source: voice of Russia,

Somaliland.org News desk