Agaasimaha Cisbitaalka Berbera oo ka hadashay dhaawacyadda 20 qof oo ku dhaawacmay shil baabuur

Berbera (Somaliland.Org)- Shil baabuur oo gaystay dhaawaca dad gaadhaya illaa 20-qof ayaa dhaawacooda lagu dawaynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, kuwaasi oo ku dhaawacmay shil baabuur oo shalay ka dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Bera kuwaasi oo doonayay inay ka soo codeeyaan magaaladda Berbera.
Agaasimaha guud ee cisbitaalka guud ee magaalada Berbera marwo Caasha Aadan Guuleed ayaa shabakada wararka ee Somaliland.Org uga warantay dhaacwacyada dadkan.

Mawo Caasha Adan Guuleed waxay sheegtay in dhakhaatiirta iyo kal kaalisooyinka cisbitaalku ay si wanaagsan ugu filaadeen u gurmashada dadkaas dhibaatadu ka soo gaadha shilkaas baabuur. Magacyada dadka ku dhaawacmay shilkaas baabuur oo aanu ka helnay masuuliyiinta cisbitaalka oo ilaa hada lagu dawaynayo, ayaa waxa magacyadoodu kala ahaayeen sidan-

Yuusuf Aadan Sahal
Xamse Muxumed Muxumed Cabdi
Xaliimo Maxamed Cabdi
Cabdifataax Adan Nuux
Maxamed Axmed Xasan
Milgo Maxamed Xasan
Cibaado Mataan Cabdi
Yurub Colaad Xasan
Salebaan Cabdi Xasan
Axmed Xuseen Aw-Faarax
Siciid Jaamac Aw-Muuse
Cabdirisaaq Axmed Ismaaciil
Mustafe Cismaan Ibraahin
Bare Cabdi Ismaaciil
Shacayb Col-u-joog Axmed
Aamina Cali Ducaale
Ayaan Muxumed Cismaan
Deeqa Xasan Cabdilaahi
Khayre Xirsi Jibriil
Hani Foosi Maxamed

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo uu weheliyo wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Sacad Cali shire ay ayaa xalay dad aad u badan oo ku soo xoomay barxada hore ee cusbitaalka iyagoo ka codsaday in ay kala dareeraan oo ay dhakhaatiirta u fuududeeyaan in ay u gargaaraan dadkaa dhiban ee dhaawaca ah. Shilkan ayaa dhacay ka dib markii ay isku dheceen laba baabuur oo mid kamid ahi uu ahaa bas siday dad ku soo socday magaalada Berbera oo u ololaynayay musharax Ina Magubte.

Dhinaca kalana waxa jiray warar laysla dhexmarayay oo sheegayay in ay dad ku dhinteen badda, haseyeeshee mar aanu maanta mar aanu khadka telfoonka kula xidhiidhnay agaasimaha cisbtalka guud ee magaalada Berbera marwo Caasha Aadan Guuleed waxay noo xaqiijisay in aan wararkaa waxba ka jirin oo aan loo keenin wax dad ah oo ku dhintay badda balse ay cisbtalka soo gaadheen laba qof oo nool isla markaana la soo badbadiyay.

Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com