“Xisbiga cilaaq keena ee maxasta caqliga ka xada ee kiciyaa isagaa is riday”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Gudida joogtada Golaha Guurtida, X.C/kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe), ayaa ku baaqay in dhinac laga wada ahaado cidii hadal ka keenta Natiijadda doorashada deegaanka ee arbacadda todobaadkan ka dhacaysa wadanka.

“Waxaanu idiin sheegayaa waxa ka soo baxa ee natiijo ah doorashadan kolka lagu dhawaaqo inaynu dhan ka wada ahaano wixii khal-khal keenta iyo cilaaq inaynu dhan ka wada ahaano ayaan idin farayaa oo aynu dedaalno ayaan idiin soo jeedinayaa oo ninba halka uu joogo ka shaqeeyo ayaanu idinka dooneynaa,”ayuu Xaaji Cabdi Waraabe oo ka hadlayay Kulan Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka shalay la yeesheen Gudida diiwaan gelinta.

“ Insha Allaahu dawo ayay inoogu dhamaan iyo nabad galyo, ”ayuu yidhi Xaajigu, waxaanu intaas ku darey isagoo hadalkiisa sii wata, “Waxaanu idin faraynaa maalintaa doorashadu dhacayso kuligeen inaynu wada boolis noqono oo aynu wareegnaa oo aynaan fadhiisan, waxa inoo balana xibiga iyo cida cilaaq iyo hadal ka keena, bini’aaam ayaynu nahay nin uun baa wax taban ninkaa wax towdaa dowladnimada ha ka taliyo iyo gobanimada, ha qanco waxa uu doonayaa ilayn waa kursiye’.”

Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Guurtidda waxa uu ku dooday in nabad-gelyadu tahay mid dadka oo dhan faa’iido u ah, waxaanu yidhi “Haddii aynu nabad gelyo helno kuligeen kuraas ayaynu ku wada fadhinaa hadiise khal-khal dhaco, kuligeen kabo la’aan ayaynu soo baxeynaa, meeshii cilaaq keenta inay dhinac kawada noqono ayaan idin farayaa”.

“Xisbiyadda ama ururadda kol kuu dhaco raali noqdaa ma dhicin, dowlad buu leeyahay dadkaa jecel Ilaahay ayaa ka raalli ah. xisbiga cilaaqtama ee yidhaahda waa layga shubtay ee wareer kiciya ee maxasta caqliga ka xada, ninkaasi isagaa is ridey Somalilandna dhan bay ka wada noqoneysaa isagoon waxba gureyn ayuu isagu is dilay,”ayuu yidhi Xaajigu. Waxa kale oo uu waano u soo jeediyay axsaabta siyaasadda, waxaanu yidhi “Xisbiyada waxaanu ku wacdiyayaa raali noqda, kii helow samo ku shaqee kii dhacoow gobanimo qaado oo aqbal,”ayuu yidhi Xaajigu.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com