Wasiirka Daakhiliga Oo Kulan La Yeeshay Salaadiinta Somaliland Iyo Qodobadii ay ka wada hadleen

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo ay weheliyaan Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex iyo Xubno ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Cuqaasha Gobolka Maroodi jeex .

Sida ay ku Waramayso Wakaalada Wararka ee Solna oo aanu warkan ka soo xiganay ujeedada kulankan ayaa salka ku hayay adkaynta nabadgalyada maalinta doorashada golahayaasha deegaanka oo ku beegan arbacada soo socota.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa ka waramay qiimaha ay nabadgalyadu qarankan ugu fadhido iyo doorka ay ku leeyihiin Madaxda dhaqanku ,waxaanu sheegay in Cuqaasha iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha uu ka dhexeeyo xidhiidh wada shaqayneed isla markaana loo baahan yahay ayuu yidhi sidii bulshada loogu guubaabin lahaa in doorashadu inoogu dhacdo si nabadgalyo ku dheehan tahay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxa uu u soo jeediyay Murashixiinta ku loolamaysa doorashadani inay ku kalsoonaadaan natiijada ka soo baxda doorashada.

Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi Geele ayaa sharaxaad ka bixiyay marxaladihii uu soo maray hanaanka geedi socodka doorashooyinka Somaliland iyo waxa ay doorashadani kaga duwan tahay kuwii ka horeeyay waxa uu afhayeenku sheegay in doorashadan ay ka qayb qaadanayaan laba Xisbi iyo afar Urur Siyaasadeed taasina ay kordhisay ayuu yidhi tirada Murashixiinta isagoo intaas ku daray in Cuqaasha looga baahan yahay sidii ay kaalintoodii isu soo dhawaynta iyo nabad ka shaqaynta u gudan lahaayeen .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex iyo Xoghayaha Gobolka .

Geesta kalena Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Rashiid Axmed Maxamed oo uu Weheliyo Xoghayaha Gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa Galabta Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha kulan kula yeeshay Ururada Bulshada sida Iskaashatooyinka Nafaqo,kuwa Basaska,Tagaasida,iyo Khudradlayda Kaah,waxaanay u soo bandhigeen sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen Ilaalinta Nabadgalyada maalinta doorashad.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa maanta kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Maamulka Degmada Balli Gubadle,Madaxda Ciidanka Booliska,Cuqaasha iyo Waxgaradka deegaankaas.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd ayaa tilmaamay inaynu guda galnay marxalad doorasho isla markaana baahi weyn loo qabo sidii dhinac looga soo wada jeedi lahaa wax kasta oo nabadgalyada guud ee gobolka iyo dalkaba waxyeelo ku ah,isagoo intaas ku daray in Gobolka Hawd uu kaga duwan yahay in badan oo ka mid ah Gobolada kale ee Wadanka isagoo ku yaal Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Sidoo kale Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Hawd Mahad Maxamed Shabeel ayaa u soo jeediyay bulshada ku dhaqan gobolka Hawd inay Ciidamada la soo socodsiiyaan Cid kasta oo shaki ka galo.

Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka iyo Culimada Gobolka Hawd oo balan qaaday inay si buuxda uga hawl gali doonaan wixii khuseeya nabadgalyada.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa